Maamul Wanaag

Maamul Wanaag

Somali Public Agenda
Země USA
Žánry Government
Jazyk EN-US
Epizody 72
Nejnovější 26.05.2026

<p>Somalia faces multiple governance challenges. The country is recovering from years of conflict, lawlessness and weak administration. Understanding and improving governance in Somalia is one of the core missions of Somali Public Agenda. Join Mahad Wasuge, SPA Executive Director, and his guests who will delve deep into governance issues in Somalia in the Maamul Wanaag podcast.&nbsp;</p>

Epizody

  • Islaamka iyo Dowladnimada 26.05.2026 1h 9min
    Dowladnimada casriga ah oo ay Soomaaliya lahayd tan iyo 1960-kii weli waa liiceysaa. Dad badan ayaa aaminsan in aan la is waafajinin dowladnimada, qabiilka &amp; diinta. Soomaaliya oo ay dadkeedu yihiin Muslimiin 100% ayaa haddana ah dalka loo aqoonsan yahay in uu ugu musuqmaasuq badan yahay dunida. Maxaa hortaagan in la is waafajiyo diinta &amp; dowladnimada? Qeybtan 72-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge, Agaasimaha Somali Public Agenda, iyo Dr. Cabdulqaadir Macallin Maxamed Geeddi ...
  • Maareynta Kalaguurka: Dastuurka, Doorashooyinka & Dibadbaxyada 10.05.2026 1h 3min
    Muddadii afarta sano ahayd ee la doortay baarlamaanka federaalka waa dhamaatay. Sidoo kale muddadii afarta sano ahayd ee Madaxweynaha ayaa dhamaaneysa 15-ka May ee sanadkan. Weli dhinacyada heshiis kuma aha sida loo maareynayo doorashooyinka dowlad-goboleedyada iyo heer federaal. Qeybtan 71-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Xil. Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), oo ah mudane katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, horena u soo noqday muddo 3 jeer a...
  • Aragtida Dowladnimada 16.04.2026 1h 20min
    Horraantii sanadkan ayaa la soo bandhigay buug cusub oo ciwaankiisu yahay “Aragtida Dowladnimada”(The Idea of a State). Buuggan waxaa qoray Xuseen Sheekh Cali oo labo jeer soo noqday Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kalena ah guddoomiyaha Machadka Saldhig. Qeybtan 70-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Xuseen Sheekh Cali, waxa ay ku falanqeynayaan nuxurka buugga iyo farriimaha ku jira. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · &...
  • Wax-ka-beddelka Dastuurka iyo Maareynta Doorashooyinka Dalka 16.03.2026 47min
    Kadib burburkii shirkii u socday Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka, Baarlamaanka Federaalka ayaa dardargeliyay dhameystirka dib-u-eegista dastuurka. 4-tii Maarso ayuu Baarlamaanku u codeeyay 11 cutub, isagoo ku dhawaaqay in dib-u-eegistii dastuurka la soo gabagabeeyay. Afar maalmood kadib, Madaxweynaha ayaa saxiixay. Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo shiray kahor ansixinta dastuurka, ayaa diiday wax-ka-beddelka dastuurka, waxayna ku dhawaaqeen in 10-ka Abriil ...
  • Rethinking Governance in Somalia: Evidence from Peace and Conflict Research 04.03.2026 1h
    State-building efforts in Somalia have faced persistent challenges for decades. In this episode, we speak with a leading researcher from the London School of Economics about the realities of governance in Somalia. Drawing on extensive fieldwork across the country and the conclusion of a second major research programme, we discuss how political authority is exercised, how local and national dynamics shape governance, and what recent research suggests about Somalia’s future. In this 68th episod...
  • Mustaqbalka Howlgalka AUSSOM 19.02.2026 42min
    Howlgalka nabad-ilaalinta AUSSOM waxa uu Soomaaliya ka shaqeynayay tan iyo sanadkii 2007. Waa kid kamid ah howlgallada nabad ilaalin ee ugu wakhtiga dheer. Inkastoo ay jireen dadaallo kala duwan oo la doonayay in lagosoo afjarohowlgalka, weli waa shaqeynayaa. Howlgalka waa mid dalalkaMidowga Afrika ay ciidanka keeneen balse waajibaadkooda uuansixiyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Howlgalka ayaa wajahaya xaalad dhaqaale xumo. Qeybtan 67aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Sam...
  • Casharrada Laga Baran Karo Doorashooyinkii Dhacay 1954 ilaa 1969 09.02.2026 53min
    Soomaaliya waxa ay ku jirtaa marxalad doorasho. Dhawaan dadka ku nool Muqdisho ayaa qaarkood ka qeyb galay doorasho gole deegaan oo Muqdisho laga qabtay kadib muddo ka badan 55 sano. Maxaa casharro ah oo laga baran karaa doorashooyinkii dhacay kahor iyo kadib xornimadii dalka? Qeybtan 66-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge &amp; &amp; Abukaate Maxamed Ciise Turunji, oo khabiir ku ah taariikhda &amp; sharciyada buugaagna ka qoray, ayaa isla gorfeynaya casharrada laga baran karo doorash...
  • Saameynta Aqoonsiga Israel ee Somaliland ku yeelan karo Somaliland, Soomaaliya & Gobolka 28.01.2026 52min
    Israel ayaa dhamaadkii 2025 aqoonsatay Somaliland. Somali Public Agenda (SPA) ayaa daabacday warbixin gorfeyneysa sababaha loo maleyn karo in ay keeneen aqoonsiga, iyo saameynta uu ku yeelan karo Somaliland, Somalia &amp; gobolka. Qeybtan 65-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge, ayaa Farxaan Isxaaq Yuusuf &amp; Dr Aweis Ahmed, oo ka tirsan SPA islana qoray warbixinta, su’aalo ka weydiiyay nuxurka warbixinta &amp; talooyinka ay soo jeedisay. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag ...
  • Hannaankii Midowga Gobollada Waqooyi iyo Koonfur & Dhismihii Jamhuuriyadda Soomaaliya (1960) 26.01.2026 34min
    Israel ayaa 25-kii Disembar 2025 aqoonsatay Somaliland. Doodda Somaliland 34-tii sano ee ugu dambeysay waxa ay ahayd in ay ahayd dal madax-banaani qaatay 26-kii Juun 1960-kii kahor inta aanu ku biirin Soomaaliya madax-bannaanidiisiina uu dib ula noqday. Su’aasha muhiimka ah ee iftiiminta u baahan waa sida uu ahaa midowga iyo hannaanka sharci ee loo maray. Qeybtan 64-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge &amp; Abukaate Maxamed Ciise Turunji, oo khabiir ku ah taariikhda &amp; sharciyada b...
  • Nooca Dowladnimada Miyay Naga Baahday? Tirada Siyaasiyiinta iyo Baaxadda Hay'addaha Dowladda 22.12.2025 44min
    Wasiirkii hore ee Batroolka Soomaaliya oo hadda falanqeeya arrimaha siyaasadda iyo dowlad-dhiska Mohamed Mukhtar Ibrahim ayaa dhawaan qoray labo maqaal oo ka hadlaya metelaadda iyo baaxadda hay’adaha dowladda ee heer federal iyo heer dowlad-goboleed. Maqaalka koowaad wuxuu ugu magac daray “Ma u baahan nahay 999 wakiil, 8 Madaxweyne iyo 6 Madaxweyne ku Xigeen, 1 Raisul Wasaare, 2 Raisul Wasaare Ku Xigeen, iyo 454 Wasiir?” Waxa uu ku dooday in tiradan badan ay keentay metelaad xumi, culays dhaq...
  • Jamhuuriyadda Saddexaad 25 Sano Kadib Shirkii Nabadda ee Carta 03.12.2025 1h 11min
    25 sano ayaa laga joogaa markii bishii August 2000 lagu dhisay Jamhuuriyadda Saddexaad ee magaalada Carta ee dalka Jabuuti. Shir lagu maamuusayo sanadguuradaas ayaa dhawaan lagu qabtay magaalada Carta. Geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya rubuc qarni kadib weli waa qabyo. Nidaamkii federaalka weli lama dhameystirin. Dib-u-eegista dastuurka weli waa socotaa. Dowladda federaalka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyadana khilaaf siyaasadeed ayaa ka dhex taagan. Qeybtan 62-aad ee Maamul Wa...
  • Maareynta Doorashooyinka Soomaaliya iyo Caqabadaha Ku Xeeran 06.11.2025 47min
    Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay ku jirtaa sanadkii afaraad. Geeddi-socodka doorashooyinka &amp; dib-u-eegista dastuurka weli waa qabyo. Hannaanka doorashada waxa aanan qeyb ka ahayn siyaasiyiin ay kamid yihiin madaxweynayaal &amp; raysal wasaarayaal hore. Raysal Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid waxa uu kamid ahaa afar siyaasi oo ka tirsanaa Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo heshiis siyaasadeed la galay hoggaanka dowladda federaalka 25-kii August ee sanadkan. Hadda ...
  • Aqoonsi-u-raadinta Somaliland & Dadaallada Dowlad-dhiska Soomaaliya 29.10.2025 45min
    Dalka Mareykanka waxaa ka socda dadaallo lagu raadinayo in uu Mareykanka u aqoonsado Somaliland dal ka madax-bannaan Soomaaliya. Dhanka kale dowladda federaalka ayaa wadda dadaallo loogasoo horjeedo in ay Somaliland ka go’do Soomaaliya. Qeybtan 60-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge &amp; Feysal Rooble, oo ah aqoonyahan, falanqeeye &amp; xubin katirsan Golaha Sare ee PDRC, waxa ay isla gorfeynayaan mustaqbalka Somaliland iyo guud ahaan geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya. Contact ...
  • Nidaamka Metelaadda Beelaha ee 4.5 & Xilalka Sarsare ee Soomaaliya 09.10.2025 1h 14min
    25 sano ayaa laga joogaa markii bishii August 2000 lagu dhisay Jamhuuriyadda Saddexaad magaalada Carta ee dalka Jabuuti. 4.5 in awoodaha loo qeybsado waxa ay kamid ahayd tiirarkii lagu dhisay dowladdaas. Inkastoo loo arkayay in muddo kooban kadib laga gudbi doono, 4.5 weli waa halbeegga metelaadda beelaha ee dowladda. Qeybtan 59-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge &amp; Dr. Abdi Kusow, oo ah cilmibaare iyo bare jaamacadeed oo muddo wax ka qorayay arrimaha Soomaaliya &amp; ...
  • Qorshaha Tirakoobka Dalka & Isticmaalka Xogaha Rasmiga ah 25.09.2025 48min
    Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliya (Somalia National Bureau of Statistics) waxa ay sanadihii lasoo dhaafay ku howlaneyd dadaallo la xiriira uruurinta xogaha rasmiga ah ee dalka oo ay kamid tahay tirakoobka. Tayada &amp; tirada xogaha rasmiha ah ee la hayo, iyo sida looga faa’ideysto ayaanan dad badan u caddeyn. Qeybtan 58-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge &amp; Dr. Abdisalan Mohamed, oo ah Agaasinmaha Guud ee Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliya, waxa ay ku gorfe...
  • Heshiiska Dowladda Federaalka iyo Qeyb Kamid ah Madasha Samatabixinta 05.09.2025 1h 1min
    25-kii Agoosto ee sanadkan, waxaa Muqdisho ku heshiiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qeyb kamid ah Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed. Qodobada heshiiska waxaa kamid ahaa in ay xubnaha baarlamaanka federaalka doortaan madaxweynaha sidoo kalena ansixiyaan xilkana ka qaadi karaan raysal wasaaraha &amp; in urur-siyaasadeedkii ka hela ugu yaraan 10% xubnaha baarlamaanka fadaraalka uu noqonayo xisbi qaran Qeybtan 57-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Amb. Daahir Maxamuud Geelle ...
  • Change in the Air or Status Quo? Somaliland and AUSSOM 28.08.2025 42min
    There is currently an active campaign in the United States urging President Trump to recognize Somaliland. Meanwhile, the future of the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM) remains uncertain. In this 56th episode of the Maamul Wanaag Podcast, Mahad Wasuge speaks with Omar Mahmood, International Crisis Group (ICG) Senior Analyst for Somalia and the Horn of Africa. They discuss the ongoing lobbying efforts in the US for Somaliland recognition, how these efforts re...
  • Uruurinta & Maareynta Dakhliga Canshuuraha ee Maamulka Gobolka Banaadir 07.08.2025 42min
    Dhawaan waxa ay Somali Public Agenda daabacday daraasad ku saabsan dakhliga Maamulka Gobolka Banaadir, taas oo iftiimineysa ilaha dakhli ee Gobolka Banaadir, sharciga uruurinta canshuuraha, hannaanka wargelinta muwaaddinka, caqabadaha canshuur uruurinta iyo sida dakhligaas loo kharash-gareeyo. Qeybtan 55-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge &amp; Farhan Isak Yusuf oo ah Agaasime Ku xigeenka SPA, SPA Research Director &amp; qoraaga daraasadda, ayaa ku&nbsp...
  • Dastuurka, Doorashooyinka & WadahadalladaDowladda Federaalka & Mucaaradka 17.07.2025 37min
    Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddo socotay. Inkastoo gunaanadkii ay kasoobaxday in ay gogosha furan tahay, kulankii ugu ballaarnaawaxaa Muqdisho lagu qabtay 16-19 June, 2025. Hadda waxaasocda kulamo u dhexeeya dowladda federaalka &amp; MadashaSamatabixinta Soomaaliyeed. Qeybtan 54-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge&amp; Xasan Macallin Maxamuud oo ah Wasiirka Cadaaladda &amp; Arrimaha Dastuurka iyo sidoo kale guddoomiyaha guddigamaamulayay gogos...
  • Shirkii Gogosha Wadatashiga Qaran & Natiijadii Ka Soo Baxday 03.07.2025 32min
    16-19 June, 2025 waxa Muqdisho ka qabsoomay Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu fidiyay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud bishii Maarso ee sanadkan. Gogosha waxaa ka qeybgalay siyaasiyiin, ururro siyaasadeed, xisbiyo ka socday Puntland, iyo qaar ka mid ah ururrada bulshada. Intii ay gogoshani socotay waxaa looga hadlay ilaa 4 qodob oo kala ah: midnimada dalka, amniga, dhammeystirka dastuurka, dimuqraadiyadeynta iyo doorashooyinka. Gunaanadkii gogosha waxa lagasoo saaray war-murtiyeed iyo baaq.&nbs...

Oblíbený v

Tento podcast se objevuje také v podcastových žebříčcích těchto zemí.