Kabasho

Kabasho

Hamda Hussein
Χώρα Somalia
Είδη Health & Fitness, Mental Health, Religion & Spirituality, Islam
Γλώσσα SO
Επεισόδια 67
Τελευταίο 13.04.2026

Kabasho waa taxane dhaymo-nafeed ah oo ay Hamda Hussein ku rajaynayso in uu fudayd iyo raysasho u horseedo cid kasta oo wehel ka dhigata.

Επεισόδια

  • Ep:15; The Fear of Moving Forward|Ka Cabsashada Hore-U-Socodka 13.04.2026 29λ
    Waligaa ma dareentay in markasta oo aad tallaabo horę u qaaddo Aad haddana dib u qaadayso? Cabsi maka dareentaa hore u socodkaaga nololeed? haddii jawaabtu 'Haa' tahay xilqaddan adiga ayaa iska leh. Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan 🌸 Ka falceli xilqaddan 😊
  • Ep:14; Decision Fatigue|Ka daalidda go’aan qaadashada 09.04.2026 29λ
    Haddii ay ku daaliyaan gaadhidda go'aamadu ha yaraadaan ama ha waynaadaane xilqaddan adiga ayaa iska leh, fahan sababaha ka danbeeya daalka ,fahankaasina haku dhaxalsiiyo in aad naftaada u dhibrisid oo u dhego nuglaatid. Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊
  • Ep:13; Maladaptive Daydreaming| La qabsan-Waa Iyo Maalin Riyood 18.11.2025 40λ
    Haddii gudaha madaxaaga adduunyo kuu gaar ahi kaaga dhisantahay oo la qabsiga aad la qabsatay aawadeed aad adduunyadaada dibadeeda uga qawadid, xilqaddan adiga ayaa iska leh. Dhagaysi wanaagsan Ka falceli xilqaddan 😊
  • Ep:12; Dissociation| Maan Maqan Iyo Jidh Jooga 09.11.2025 31λ
    Waligaa ma dareentay inaad nolosha dul sabbaynayso, in aad dareen ahaan kabuubyoonayso, in xasuusaha qaar yaraantaadii aanad waxbaba ka xasuusan? Haddii Jawaabtu 'HAA' tahay, xilqaddani waxay kaa caawin kartaa fahanka naftaada. Dhagaysi wanaagsan🌸 Ka falceli xilqaddan 😊
  • Ep:11; Parentification| Waalid ka Dhigid 07.11.2025 30λ
    Waligaa ma dareentay in aad waalid tahay adiga oo aan waalidba noqon, yaraantaadiise ma dareentay in aadan noolaan caruurnimo kugu filan? Xilqaddan adiga ayaa iska leh. Dhagaysi wanaagsan Ka falceli xilqaddan 😊
  • Ep:10; The Scapegoat Child| Faquuqane 22.10.2025 30λ
    Weligaa ma iswaydiisay maxay ayaa mar walba laguugu canaantaa wax aadan samayn, laguugu oogaa danbi aadan gelin, laguu faquuqaa ee qoyskiina qaab aadan garanayn kaaga dhigay? yaraantaadii haddii aad magac u heli kari wayday, waynaantaada u hel oo ka kabo . Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan 🌸 Ka falceli xilqaddan 😊
  • Ep:9; Re-Parenting Yourself| Dib Isu-Ababin 27.09.2025 36λ
    Kawaran haddii aad adigu dhayi karto nabar kasta oo yaraantii kaasoo gaadhay? Awooddaa hadii aad leedahay saw in aad adeegsato ma aha? Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊
  • Ep:8; Self-Abandonment| Heedaddoow 26.09.2025 40λ
    Waligaa xaaladdan heedaddoowga ah ma gashay? naftaada ma dayacday, xilqaddani waxay kaa caawin kartaa in aad ka xuub-siibato. Dhagaysi iyo dhaqan-gelin wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊
  • Ep:7; Panic Attacks| Naxdinta Soo Booddada ah 31.08.2025 35λ
    Waligaa intuu wadnuhu si xawli ah kuu garaacay , dabadeed aad dhididday oo neeftu ku qabatay ma is tidhi waad dhimanaysaa? Xilqaddan ayaynu isku waydiinaynaa xaaladdaasi waxa ay tahay. Dhagaysi wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊
  • Ep:6; Emotional Sponge| Muquurasho Dareen 21.07.2025 36λ
    Wali ma is waydiisay sababta ay dareemaha dadyowga kale kuu saameeyaan? Ka falceli xilqaddan 😊
  • Ep:5; Hypochondria| Ka Cabsashada Cudurrada 27.06.2025 40λ
    Ka falceli xilqaddan 😊
  • Ep:4; Paranoia| Buufis 23.02.2025 40λ
    Waligaa ma iswaydiisay 'Buufiska' ama 'Bacdu' wax ay tahay? Xilqaddan ayaynu kaga jawaabaynaa. Dhagaysi wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊
  • Ep:3; Neutralising Anxious Thoughts| Badhxidda Afkaaraha Cabsida 03.02.2025 28λ
    'Sidee ayaan u badhxi karaa dareemmadayda cabsida ku qotoma?' ayaynu kaga jawaabaynaa xilqaddan. Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊
  • Ep:2; The Power of Positive Affirmations| Awoodda Erayada Togan 22.01.2025 29λ
    Erayadu aynu adeegsannaa saamayn maku leeyihiin caafimaadka-dhimirkeenna ayaynu xilqaddan isku waydiinaynaa. Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊
  • Ep:1; Self-Stigma |Summad-Ceebeed 07.09.2024 26λ
    Weli ma Iswaydiisay su'aasha ah 'maxay ayay dadku caawimo u dalban waayaan marka ay maskaxdoodu u baahato'? xilqaddan ayaynu kaga jawaabi doonnaa wax ka mid ah waxyaabaha dadka ka hor istaaga inay maskaxdooda u hiiliyaan. Ka falceli xilqaddan 😊
  • HORDHAC:Season 2 22.08.2024
    Ka falceli xilqaddan 😊
  • Ep:50; Dib U Milicsi |Reflecting Back 14.08.2023 35λ
    Xilqaddan waxaynu dib ugu milicsanaynaa safarkii kabasho ee sannadka iyo badhka soo socday, waxaynu kale oo wax iska waydiinynaa muhiimadda ay leedahay 'Kabashada-Dareen' iyo calaamadaha aad ku garan kartid. Dhagaysi wacan. Ka falceli xilqaddan 😊
  • Ep:49; Sidkanaanta Dhaawacan |Trauma Bonding 08.07.2023 47λ
    Weligaa ma dareentay in naftaadu jeceshahay ama ku sidkantahay cidda dhibaataysa? ma u wayday magac aad u bixiso xidhiidhka noocaas ah, xilqaddan ayaa kuu faah-faahinaysa magaca ,micnaha iyo qaabka uu u samaysmo xidhiidhka noocaas ahi. Dhagaysi wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊
  • Ep:48; Darreemmo- Ku Hafasho |Sensory Overload 26.06.2023 33λ
    Weligaa ma dareentay inaad dareemahaaga ku hafanaysid? sidee ayaad u maaraysay dareen-ku hafashada? Xilqaddan ayaynu maaraynta dareen ku hafashada kaga hadlaynaa, dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan Ka falceli xilqaddan 😊
  • Episode 47: Dareen Xakamayn;Emotional Regulation 06.06.2023 45λ
    Weli ma Iswaydiisay ama ma doontay inaad dareemahaaga xakamayso? Inaad falcelinahaaga adigu falkiso oo aanay si bila qorshe ah kaaga soo fulin? Xilqaddan ayaynu ku qaadaa-dhigaynaa qaabka ugu fudud ee aad u baran kartid Xakamaynta Dareemadaada. Dhagaysi iyo Dhaqan gelin wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊

Δημοφιλές σε

Αυτό το podcast εμφανίζεται και στις λίστες podcasts αυτών των χωρών.