Hab Fikirka Tarmuuska

Hab Fikirka Tarmuuska

Hodan Hilmi
Šalis Somalis
Kalba SO
Epizodų 78
Naujausias 30.07.2026

Podcastkan wuxuu diiradda saarayaa qoraalka iyo sida loogu adeegsado kobcinta shakhsiyadda, fahamka fikradaha, iyo horumarinta hab-fikirka. Waxaad ka heli doontaa sida loo abuuro caado qoraal oo joogto ah, meesha iyo waxa aad qorayso, iyo sida ugu habboon ee loo qoro. Sidoo kale waxaa laga helayaa talooyin iyo fikrado ku saabsan horumarinta hab-fikir toosan, kaas oo ah furaha horumarka iyo guusha nolosha. Waa podcast ku habboon qof kasta oo raba inuu horumariyo fikirkiisa iyo noloshiisa.

Epizodai

  • SE05ep10: 🤝 Yaan Wax La Wadaagnaa, Maxaanse Wadaagnaa? | Marti: Sahro 🎙️ | Safar! 30.07.2026 1val 26min
                              Bismilaah;  Qeybtan waxaan kaga sheekeysaneynaa farshaxanka wax wadaagga🤝  laga bilaabo wadaagga aqoonta ilaa geesinimada ku jirta inaad si nugul ula wadaagto dadka aad ku kalsoon tahay waxa qalbigaaga ku jira. 🤍 🎙️ Fiiro gaar ah: Qaybo yar oo codkayga ah waxaa ku jira echo. Fadlan naga raalli ahaada, waxaana rajeyneynaa inaysan saameyn weyn ku yeelan dhageysiga. Mahadsanidiin fahamkiinna. 🙏🎧
  • SE05ep9: 🍋Inta Rajadu Jirto... 🍋As Long as There Is Hope..🍋| Safar! 24.07.2026 28min
                                Bismilaah,  🍋 Inta Rajadu Jirto... Qeybta caawa, waxaan ku milicsaneynaa hal fikrad oo qoto dheer oo laga dheehan karo buugga As Long as the Lemon Trees Grow. Waxaan ka sheekeysaneynaa rajada, adkeysiga, iyo awoodda deggan ee qofka ku sii wadda safarkiisa, xitaa marka noloshu ku adkaato. ✨ Dhageysi wacan. 💛
  • SE05ep8: Waa Maxay HYROX? ❓🏃‍♀️| My Summer Challenge 09.07.2026 37min
                                   Bismilaah;  Maxaa iga soo jiitay HYROX, maxaanse ka bartay daawashadii Tartanka Adduunka ee Stockholm? Qeybtan waxaan kula wadaagayaa 5 cashar oo aan ka qaatay daawashada HYROX World Championship iyo sababta aan HYROX uga dhigtay Tijaabintayda xagaagan. ☀️💪 Dhagaysi Wacan!
  • SE05ep7: The Art of Noticing 👀 | Safar! 04.06.2026 31min
                                       Bismilaah; Halkan waxaan caawa ku lafo guraynaa Sida feejignaantu u abuurto fursado iyo sababta ficilku uga dhigo fursadahaas kuwo Macno leh. Dhagaysi Wacan!
  • SE05ep6: Duqowgu ma da’daa mise waa damiirka? | Safar! 29.05.2026 49min
                                         Bismilaah; Ku soo dhawaaw Safar, aan caawa Jawaab ugu raadinayno su aasha ah "Sabab ayay nuugu adag tahy inaan tijaabino, ku dhiirano oon barano, sidoo kalena ka mira dhalino wax kasta oon doono?"
  • SE5ep5: Ma Shaahaa Mise Waa Sheeko Kale? | Safar! 14.05.2026 33min
                                  Bismilaah; Qaybtan Waxaan kaga sheekaynaynaa caadooyin, Xasuus, iyo Sida qalbigu mararka qaar ugu dheggan yahay wax ka qoto dheer inta aan is leenahay ama aragno.  Dhagaysi Wacan!
  • SE05ep4: Mushkiladdu ma teleefankaa mise weligeed ayay jirtay? | Safar! 07.05.2026 43min
                                  Bismilaah; Isku soo noqod wanaagsan dhamaan akhyaarta ku xiran Hab Fikirka Tarmuuska. Halkaan ka dhagaysi sheeko 130 sanno jirto, oo ka dheeho muhiimada Safarka adigoo u dhex maraya Qoraal iyo Akhris.  Dhagaysi wacan!
  • SE05ep3: Sidee Ayaad Naftaada Ula Hadashaa? (6 Su’aalood oo Kuu Caddeynaya) 03.04.2026 30min
    Inta badan waxaan diiradda saarnaa sida aan ula hadalno dadka kale,
laakiin marar yar ayaan is weydiinnaa: sidee ayaan nafteena ula hadalnaa? Qeybtan, waxaan kula wadaagayaa 6 su’aalood oo fudud
oo kaa caawinaya fahamka dareenkaaga,
caddeynta fikirkaaga, iyo inaad si wanaagsan u hadasho—adigoo naftaada ka bilaabaya. Dhageysi wacan!
  • SE05ep2: Some things are not Taught, they are Caught | Safar! 12.03.2026 24min
                                Bismilaah; Xalqadan waxaan kaga hadlaynaa farqiga u dhexeeya The passive mind vs The observant Mind iyo mida ay tahay in aan ku dedaalno.  Dhagaysi Wacan!   
  • SE05ep1: Hal caado oo aan qasab kugu ahayn — balse noloshaada dhisaysa | Marti: Abdikafi | Safar! 26.02.2026 49min
                                  Bismilaah;  Marti cusub! Horumarka dhabta ah ma aha inaad hal habeen guusha gaarto, ee waa inaad ogaato jihada saxda ah. U dabaalato dhanka hirku kaa xigo si aad si fudud, joogto ah, oo fog u gaarto meesha aad rabto. 🌊📚   
  • Season 5 Trailer | Safar! 19.02.2026 2min
                                Bismilaah;  Waa markale iyo kalkii 5.aad, kaalay oo safarkan cusub ka qayb qaado!  
  • SE04: Final ep: Haddii Aadan Ogeyn Waxa Aad Raadineyso, Wax Qaldan Ayaad Ku Mashquuleysaa | Dhugatayee, Maxaad dhigi! 12.02.2026 19min
                         Bismilaah; Haddii aadan ogeyn waxa aad raadineyso, waxaad ku mashquuli kartaa wax aan ku dhisayn. Qaybtan waa gunaanad ku saabsan jihada toosan, su'aalo sax ah, iyo shaqada gudaha ka hor inta aan wax dibadda laga beddelin.  Dhagaysi wacan!  
  • SE04ep15: Sidee tahay? Ma Is waydiisay? 29.01.2026 16min
                            Bismilaah;  Saakana waa su'aale , sidee tahay? 
  • SE04ep14: Ma Akhrinta ayaa ku bedesha Mise Waxa aad akhrido? 22.01.2026 18min
                                     Bismilaah; Sanad walba waa nala yiraahdaa wax badan akhri, balse nalama baro sida si fiican wax loo akhriyo. Qaybtan, waxaan kula wadaagayaa isbeddelkii aan sameeyay 2025: ka guurista akhris aan ujeeddo lahayn una guuray akhris leh niyad iyo himilo.  Waa milicsi ku saabsan buugaagta, aqoonsiga, iimaanka, iyo sababta waxaad akhrido ay uga muhiimsan tahay inta aad akhrido. 📚✨  
  • SE04ep13: Takooridda Aan Ka Aamusanahay: Bulshada Soomaaliyeed 🪞🧠🖤 With Shamso Ahmed ┃ Dhugatayee Maxaad Dhigi! 15.01.2026 33min
                               Bismilaah;  Takooriddu mar walba kama timaaddo dibadda — mararka qaarkood waxay ka dhex jirtaa bulshadeenna. 🪞Qaybtan, waxaan si toos ah u eegaynaa sida kala soociddu uga muuqato dhexdeena: qabiil, midabka maqaarka, xaaladda caafimaad, iyo aragtiyo nololeed oo kala duwan. 🧠Ma aha in cid kale la eedeeyo ee waa in qof walba is weydiiyo su’aasha adag: anigu xaggee ayaan ka taaganahay?Qaybtani waa martiqaad aad ku joojiso is-difaaca, kuna bilowdo is-eegis dhab ah. 🔍✨  
  • SE04ep12: Waxaad Rumaysato Ayaad Noqotaa 🧠✨ 08.01.2026 12min
                            Bismilaah; Qaybtan waxaan ku eegaynaa saddex sheeko oo muujinaya awoodda rumaysadka (beliefs) 🧠 sida waxa aad aaminsan tahay ay run ay u noqdaan. Waxaan sidoo kale ka hadli doonaa sida rumaysad kastaa u yahay sheeko la barto oo qofku isu sheego 📖, isla markaana ay tahay mid la beddeli karo 🌱✨.
  • SE04ep11: Yaysan Kuu Raacin 2026 Caadooyinkii Ku Dilay 2025! 25.12.2025 18min
                            Bismilaah; Duug dhammaan caadooyinkii ku dilay 2025.Ha u ogolaan inay kuu raacaan 2026.Hadda go’aanso qofka aad noqonayso, ka hor inta uu sannadku bilaaban.  
  • SE04ep10: Maxay Noogu Adagtahay inaan dhahno "Waan ku jeclahay?" with Abdullahi | Dhugatayee, Maxaad Dhigi! 18.12.2025 42min
                               Bismilaah; Qaybtan waxaan la sheekaystay Cabdullaahi oo nagala soo hadlaya dalkii hooyo, gaar ahaan Muqdisho. Wada sheekaysigeennu wuxuu iftiin saarayaa dhaqankeena Soomaaliyeed, waxa mudan in jiilasha loo sii gudbiyo, iyo waxa u baahan in si geesinimo leh looga tago. Dhagaysi Wacan!  
  • SE04ep9: 5-ta Nooc ee Kalsoonida, Midkee ayaa xoojin kaaga baahan? | Dhugatayee Maxaad Dhigi! 11.12.2025 35min
                               Bismilaah; Qaybtan waxaan ku sharaxayaa 5-ta nooc ee kalsoonida si aan nafteena u baranno 😄💪. Maxay kala yihiin, sideese ku garan kartaa kuwa aad ku xooggan tahay iyo kuwa u baahan in la xoojiyo? 🌱✨ Halkan ka dhagayso!  
  • SE04ep8: The Final 5 Weeks oo Go’aamiya Guusha Sannadka! 04.12.2025 16min
                                  Bismilaah;  Shanta isbuuc ee ugu danbaysa sanadka waxay la yimaadaan labo dareen midood. Culays ama Farxad iyo rayn rayn.  Suaal marka: Keebaad adigu hadda dareemaysaa? Sideese dareenkaa uga dhigi kartaa mid ku anfaco sanadka bilaabmaya? Haduu Alle yiraah.  Ku dhamee saadka xayinimadii aad ku bilawday; Sidoo kale dhagayso xalqadii sannadkii 2024, ee Peak.end rule. "waa-maxay-faa-iidada-peak-end-rule-sida-loo-abuuro-dhammaad-guul-iyo-xusuus-leh-2024" Dhagaysi Wacan!   

Populiari šalyje

Ši tinklalaidė taip pat patenka į šių šalių tinklalaidžių topus.