Daryeel

Daryeel

Dawan Media
Land Somalië
Genres Health & Fitness, Medicine
Taal EN
Afleveringen 3
Laatste 24.05.2026

Daryeel is the first Somali-language health podcast, produced by Dawan Media. Hosted by Dr. Ubah Farah, a pediatrician with over 20 years of experience, it delivers trusted, evidence-based health conversations for Somali families. Each week, Dr. Ubah discusses topics like maternal and child health, immunization, nutrition, mental wellness, and chronic disease with experts and community members. The podcast aims to provide culturally grounded health information without jargon, empowering Somali households to take charge of their health.

Afleveringen

  • S1 E3: Maxaa Keena Xanuunnada Maanka iyo Is-dilka? 24.05.2026 1u 10min
    Sidee bulshada Soomaaliyeed u aragtaa dadka la nool xanuunnada maanka? Maxaa qofka laga aaminsan yahay marka uu la kulmo dhibaato nafsi ah? Maxay tahay sababta mararka qaar dadka loogu geeyo cilaaj halkii loo raadin lahaa daaweyn caafimaad oo takhasus leh?Xalqaddan 3-aad ee Daryeel Podcast, oo ka baxda Dawan Media, waxaa marti ku ah Dr. Abdifatah Haji Daud, Dhakhtar ku takhasusay Cilmi-nafsiga. Waxaa daadihineysa Dr. Ubah Farah Ahmed.Wareysigan wuxuu diiradda saaraya caafimaadka maanka, fahamka bulshada, is-dilka, hurdo la’aanta, walbahaarka, qaadka, khamriga, iyo sida cudurrada nafsiga ah loogu baahan yahay in loola dhaqmo si la mid ah cudurrada jirka ku dhaca.Timecode00:00 hordhac01:53 Qiyaasaadka Caafimaadka Maanka10:36 qeybaha waalida ama caafimaadka dhimirka18:26 caalamadaha lagu garto Waalida26:24 Yaa ugu nugul cudurada dhimirka?32:31 Maxaa keenay in Soomaalida u uku bato cudurada maanka?40:35 Maxaa ka dhaxeeya cudurada dhimirka, Sixirka iyo jinka?48:19 Intee ayay la egtahay dadka isdila53:12 Qaadashada Daroogada iyo cudurka dhimirka maxaa ka dhaxeeya?1:00:40 Maxaa dhacaya hadii qofka laga daaweyn waayo Cudurada Maskaxda?1:02:44 Talada Dhaqtarka ee Cudurka dhimirka1:07:58 Gabagabo🔔 HA SEEGIN XALQADAHA SOO SOCDARiix SUBSCRIBE oo daar  ogeysiiska (🔔) si aad ugu horrayso markaansoo bandhigno martida xigta — siyaasiyiin, falanqeeyayaal, iyo  siyaasadda Soomaaliya.📍 Subscribe:    / @dawan_tv💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka🔔 Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya!https://www.dawan.so/https://www.dawan.africahttps://www.bawaba.africa━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━📲 NALA SOO XIRIIR🌐  Website:    https://dawan.so/📘  Facebook:   /DawanTV🐦  X/Twitter:  @DawanTV📸  Instagram:  @DawanTV🎵  TikTok:     @DawanTV
  • S1 E2: Dhiig-karka: Dilaaga Qarsoon ee Aan Calaamadaha Lahayn 13.05.2026 1min
    Dhiig-karka waxaa inta badan loogu yeeraa “dilaaga qarsoon”, sababtoo ah qofku wuu qabi karaa muddo dheer isagoo aan dareemin calaamado muuqda. Haddana, haddii aan la ogaan ama aan la xakameyn, wuxuu sababi karaa dhibaatooyin culus oo caafimaad.Xalqaddan Daryeel Podcast ee ka baxda Dawan, waxaan ku martiqaadnay Dr. Abdullahi Jamac Abib, dhakhtar ku takhasusay cudurrada guud iyo uur-ku-jirta, kana tirsan Cisbitaalka SIMAN.Waxaan ka hadleynaa waxa uu yahay dhiig-karka, dadka ugu nugul, sida lagu ogaan karo, qataraha ka dhalan kara haddii la iska dhago-tiro, iyo muhiimadda ay leedahay in qofku si joogto ah ula socdo caafimaadkiisa.Timecodes00:00 Hordhac02:11 Dilaaga Qarsoon: Dhiig-karka iyo xaaladihiisa05:36 Sidee qofka qaba dhiig-karka ku ogaan karaa?08:50 Yaa u nugul in uu ku dhaco dhiig-karka?12:46 Sidee looga hortagi karaa dhiig-karka?15:31 Maxay yihiin dhibaatooyinka dhiig-karka?20:45 Carruurta ma ku dhacaa cudurkan?22:35 GabagaboHashtags#DaryeelPodcast #Dawan #DhiigKarka #Caafimaad #Somalia #SomaliHealth #DrAbdullahiJamacAbib #Hypertension #CaafimaadkaBulshada
  • S1 E01: Tallaalka ma qasab baa mise waa ikhtiyaar? | Daryeel Podcast | Dawan Media 30.04.2026 1u 2min
    Qaybtan Koowaad ee Daryeel Podcast, waxaan ku falanqaynaynaa xaaladaha caafimaad ee dalka iyo baahida loo qabo nidaam adag oo dhanka talaalka ah. Waxaan si qoto dheer u eegaynaa saddexda cudur ee sida aadka ah ugu faafa Soomaaliya iyo doorka waalidiinta ee ku aaddan badbaadinta ubadka. Waxa barnaamijka marti ku ah khubaro caafimaad oo aqoon durugsan u leh dhankan, kuwaas oo kala ah: Mohamed Abdullahi Omar (Qabiir dhanka talaalka ah oo ka tirsan WHO) iyo Ali Mohamed So’dal (Dhaqtar Caruurta ah).Qodobada ugu waaweyn ee wareysiga:Saddexda Cudur ee ugu Faafista Badan:Maxay yihiin halisyada caafimaad ee ugu weyn ee wajahaya caruurta Soomaaliyeed maanta?Muhiimadda Talaalka:Ma qasab baa mise waa ikhtiyaar? Sidee buu talaalku u beddelaa nolosha ubadka?Doorka Waalidka:Maxaa la gudboon waalidiinta si ay caruurtooda uga badbaadiyaan xanuunada faafa?Toddobaadka Talaalka Adduunka:Maadaama lagu jiro toddobaadka talaalka, maxay tahay farriinta loo dirayo bulshada?Haddii aad tahay waalid ama qof daneeya caafimaadka bulshada, ha moogaan qaybtan muhiimka ah si aad u hesho talooyin caafimaad oo xaqiiqo ku fadhiya.📌 Mawduucyada Muhiimka ah ee lagu gorfeynayo: Isbeddellada nidaamka caafimaadka ee dhanka talaalka.Caqabadaha hortaagan in la gaaro caruur kasta oo Soomaaliyeed.Saamaynta cudurada faafa ee mustaqbalka jiilka cusub.---Description (English)In this insightful episode of Daryeel Podcast, we explore the most critical health challenges facing children in Somalia today. Our experts analyze the prevalence of infectious diseases and the vital necessity of a robust national immunization system.Joining the discussion are Mohamed Abdullahi Omar, a vaccination expert from the World Health Organization (WHO), and Dr. Ali Mohamed So’dal, a renowned Pediatrician.Key Highlights Include:Top 3 Prevalent Diseases:Identifying the most widespread health threats to Somali children.Vaccination Debate: Is it a choice or a necessity? Understanding the life-saving impact of vaccines.Parental Responsibility:The crucial role of parents in ensuring child safety through preventive healthcare.World Immunization Week:Special insights in alignment with global health awareness goals.📌 Key Topics Covered:  Current status and gaps in Somalia's healthcare and vaccination infrastructure.The science behind vaccines and debunking common myths.Strategic steps to improve child survival rates in regional communities.Hosted by: Dr. Ubah Farah AhmedProduction:All rights reserved by Dawan Media.#Somalia #Caafimaadka #DaryeelPodcast #Vaccination #DawanMedia #ChildHealth #Talaalka #HealthAwareness📍 *Subscribe:* / @dawan_tv 💬 *Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka* 🔔 *Nala soco si aad u hesho barnaamijyada ugu muhiimsan caafimaadka!*[www.dawan.so](http://www.dawan.so) | [www.dawan.africa](http://www.dawan.africa)