Dowlad-Dhis Podcast

Dowlad-Dhis Podcast

Heritage Institute for Policy Studies
Shteti Somalia
Zhanret Arsim, Qeveri
Gjuha EN
Episode 5
I/E fundit 06.08.2026

Dowlad-Dhis Podcast explores how current issues affect state-building in Somalia, connecting everyday challenges and opportunities to the broader goal of effective governance and institutions. The program provides in-depth analyses of significant problems impacting governance and institution-building. It also highlights actionable strategies for enhancing peacebuilding, public service delivery, and social cohesion.

Episodet

  • Xiriirka ka dhaxeeyo Dowlad-Dhiska & Amniga Qaranka | Dowlad-dhis Podcast #5 06.08.2026 1h 24min
    Xalqadii 5-aad ee Dowlad-dhis Podcast waxey ku saabsan tahay xiriirka ka dhaxeeyo dowlad-dhiska iyo Amniga Qaranka Waxaa Marti ku ah Xuseen Sheekh Cali oo ah Gudoomiyaha Machadka Saldhig, isla Markaana labo jeer soo noqday lataliyaha Amniga Qaranka. ugu horeyn Wuxuu Sharaxaad ka bixin dona Mowduuca, Xaladihii uu soo maray dalka ee burburkii dowlada & dib usoo yagleelidii Jamhuuriyada Seddexaad, Caqabadaha heysto dowlad dhiska Somaaliya & khataraha Amniga. Sidoo kale Xalqadaan waxaa lagu Iftiimin donaa Aragtida Hogaanka dalka ka heystaan Habka la isku heleysiinaayo dowladnimada & Amniga Qaranka. Waxaa intaas dheer Xalqadaan lagu lafaguray Saameynta Somaaliya ku yeelan karto Xasillooni darada Juqraafi siyaasadeed ee ka Jirta gobolka gacanka, Badda Cas iyo geeska Afrika. Gabagabadii Qorshooyinka bixitaanka Ciidamada Midowga Afrika iyo taageerada dibadeed ee Soomaaliya lagu Kabaayey dowlad-dhiska & Amnigaba , Xalqadaan waxaa lagu soo gunaanuday doorka uu qaadanaayo Muwaadinka Soomaaliyeed. Xalaqadaan waxaa daadahinaayo Dr. C/rashiid Ismaaciil oo ah Agaasime Ku Xigeenka Machadka Heritage.
  • Xalqadda 4-aad | Isbeddelka Cimilada & Saameynta ay ku leedahay Soomaaliya 17.06.2026 1h 35min
    Podcastiga Dawlad-dhis – Xalqada 5aad Xalqada shanaad ee Dawlad-dhis waxay diiradda saareysaa mid ka mid ah caqabadaha ee waaweyn ee xiligan: Isbedelka cimilada iyo saamaynta ay ku leedahay Soomaaliya. 🎤 Marti: Dr. Abdullahi Khalif, Fududeeyaha Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimiladda 🎤 Marti: Mr. Liban Obsiye, Agaasiamah Guud, Sanduuqa Qaran ee Cimilada, JFS Dooddu waxay iftiimineysaa sidii si cilmi ah loogu fahmi lahaa isbedelka cimilada, heerka baraaruga mujtamaca Soomaaliga ee isbedelka cimilada, iyo xaqiiqooyinka ku gadaaman heerka la qabsi ee bulshada reer guuraaga ah ee isbedelka cimilada. Xalqadani waxay kaloo eegeysaa heshiisyada caalamiga ah, iyo sida ay dunidu uga jawaabeyso dedaalada yareynta iyo laqabsiga isbedelka cimilada. 🎙️ Martigeliye: Dr. Abdirashid Ismail, Agaasime Xigeen, Machadka Deraasaadka Siyaasadda ee Heritage (HIPS)
  • Xalqadda 2-aad | Sidee Loo Hormarin Karaa Nidaamka Caafimaadka Soomaaliya? 05.03.2026 55min
    Xalqadda 2-aad ee podcast-ka Dowlad-dhis ayaa Agaasime Ku-xigeenka Machadka Heritage, Dr. Cabbdirashid Ismaaciil, ku waraysanaaya Prof. Maye Cumar oo ka tirsan Jaamacadda Leeds, isla markaana leh in ka badan 40 sano oo waayo-aragnimo ah dhanka nidaamyada caafimaadka iyo maamulka caafimaadka dadweynaha. Prof. Maye wuxuu si qoto dheer u falanqeeyey warbixintii ugu dambeysay ee Machadka Heritage uu daabacay, taas oo cinwaankeedu ahaa “Adkaynta Hannaanka Caafimaadka Soomaaliya”, isla markaana uu isagu hoggaamiyey. Sidoo kale, Prof. Maye Cumar wuxuu wareysigan kaga hadlay waayo-aragnimadiisa ballaaran ee ku saabsan ka shaqaynta nidaamyada caafimaadka dalal kala duwan. 📖 Halkaan ka Akhri warbixinta. 👉 Somali: https://bit.ly/4prProz English: https://bit.ly/44rgbgI Arabic: https://bit.ly/3LVsADs
  • Xalqadda 3-aad | Xoojinta Ka Qaybgalka Siyaasadeed ee Dhallinyarada Muqdisho 05.03.2026 39min
    Taxanaha saddexaad waxaa lagu falanqaynayaa kaalinta dhallinyarada Muqdisho ee ka qaybgalka siyaasadeed iyo siyaabaha lagu xoojin karo doorkooda. Barnaamijkani wuxuu daba socdaa daraasad hore oo laga sameeyay mowduucaan, iyo sidoo kale tababar loo qabtay in ka badan 60 dhallinyaro ah, kuwaas oo lagu baray hoggaaminta, abaabulka bulshada, iyo u ololeynta arrimaha dadweynaha.
  • Xalqadda 1-aad | Dowlad-dhis Podcast RW Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre 04.03.2026 49min
    Kusoo dhawaada Dowlad-dhis Podcast uu Xalqadiisa kowaad uu noo daah-furay Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyada federaalka Somaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre. wareysiga oo ku bilaabmay dib u milicsiga seddex sano guraada Xukuumada qorshayaashii ay la timid waxyaabaha ka qabsoomay & arrimaha ku fashilntay : sida Amniga, Arrimaha federaalka,dhaqaalaha, dowlad wanaaga, Siyaasada arrimaha dibada. Mudane Xamse ayaa miiska soo saaray aragtida Xukuumada ee la xariirto dhameystirka dastuurka, qabsoomida doorasho qof & Cod ah & hormada laga sameeyey dib u xoreynta dalka, Khilaafka dowlad dhexe Puntland,Jubaland & Maqaamka Banaadir. intaas waxaa dheer in tooshka lagu iftiimiyey khatarta ay wajaheyso dowladnimada Somaaliya ayadoo maanka lagu haayo hardanka siyaasiinta, labo u kacleynta kooxaha argagaxisada, hubinti la’aanta dhaqaale ay wajahaan Howlgalka Midowga Afrika ee Somaaliya. Ugu dambeyn Ra’isuul wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay iney ka go’an tahay xalinta walaaca jiro ayadoo lagu wada wajaahayo si loo dhan yahay dhamaan folaadka siyaasada ee dalka. Fadlaan Podcast dhameystiran halkaan ka daawo lana wadaag asxaabta.