Maamul Wanaag

Maamul Wanaag

Somali Public Agenda
Land Somalia
Genrer Regering
Språk EN-US
Avsnitt 72
Senaste 16.07.2026

Somalia faces multiple governance challenges. The country is recovering from years of conflict, lawlessness and weak administration. Understanding and improving governance in Somalia is one of the core missions of Somali Public Agenda. Join Mahad Wasuge, SPA Executive Director, and his guests who will delve deep into governance issues in Somalia in the Maamul Wanaag podcast.

Avsnitt

  • Nooca Doorashada ee Nabad & Nolol iyo Wada-xaajoodyada Doorashooyinka Soomaaliya 16.07.2026 57min
    Bishan Luulyo, waxaa mar kale Muqdisho ka bilowday shirar heer farsamo ah oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka. Shirarkan waxaa garwadeen iyo dhexdhexaadiyeyaal ka ah beesha caalamka, gaar ahaan Turkiga, Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub, iyo Qaramada Midoobay. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saddex kooxood oo mucaarad ah ayaa kulamadan ku soo bandhigay aragtidooda ku aaddan hannaanka doorashooyinka, iyadoo dhinac walba uu soo bandhigay nooca doorashada ee uu doorbidayo. Qeybta 7...
  • Qiimeyn: 66 Sano Kadib Xorriyadda – Halkee Maraysaa Dowladnimada Soomaaliya? 05.07.2026 1h 37min
    Soomaaliya waxa ay u dabaaldegtay 66 sano-guuradii ka soo wareegtay markii ay xorriyadda ka qaadatay gumaystayaashii reer Yurub, isla markaana la aasaasay Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ee ugu horreysay. Sagaal sano kadib, taliskii militariga ayaa talada dalka la wareegay. Burburkii dowladdii dhexe kadib, Jamhuuriyadda Saddexaad ayaa dib loogu yagleelay Shirkii Carta ee dalka Jabuuti. Lixdan iyo lix sano kadib aas-aaskii Jamhuuriyaddii Koowaad, Soomaaliya waxay weli wajahaysaa caqabado waaweyn o...
  • Wadahadallada Dowladda iyo Mucaaradka: Maxaa Ka Soo Bixi Kara? 18.06.2026 50min
    Soomaaliya waxa ay ku jirtaa marxalad siyaasadeed oo adag. Muddadii afarta sano ahayd ee dowladda federaalka waxa ay ku ekayd 15-kii May 2026, balse ka hor inta aanu waqtigu dhammaan ayaa wax-ka-beddel lagu sameeyay dastuurka. Dastuurka cusub waxa uu muddo-xileedka hoggaanka dowladda ka dhigay 5 sano, waxa ayna madaxda dowladdu sheegeen in uu u harsan yahay hal sano. Mucaaradka waxa ay kasoo horjeedaan wax-ka-beddelka lagu sameeyay dastuurka iyo muddo-xileedka la beddelay. Dibadbaxyo ay...
  • Dastuurka Federaalka Soomaaliya: Maxaa La Beddelay, Sideese Loo Ansixiyay? 10.06.2026 1h 39min
    4-tii Maarso 2026, fadhi wadajir ah oo ay yeesheen labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay wax-ka-bedelka 11 cutub oo ka mid ah dastuurka kumeelgaarka ah, sidoo kale waxaa lagu ansixiyay wax-ka-beddelka saddex qodob oo ku jira cutubka 2-aad iyo saddex qodob oo ku jira cutubka 4-aad. Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoominayay kulanka ayaa sheegay in la soo gaba gabeeyay dib-u-eegista dastuurka, islamarkaana nuqulka cusub uu noqon doono dastuurka rasmiga ah...
  • Islaamka iyo Dowladnimada 26.05.2026 1h 9min
    Dowladnimada casriga ah oo ay Soomaaliya lahayd tan iyo 1960-kii weli waa liiceysaa. Dad badan ayaa aaminsan in aan la is waafajinin dowladnimada, qabiilka & diinta. Soomaaliya oo ay dadkeedu yihiin Muslimiin 100% ayaa haddana ah dalka loo aqoonsan yahay in uu ugu musuqmaasuq badan yahay dunida. Maxaa hortaagan in la is waafajiyo diinta & dowladnimada? Qeybtan 72-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge, Agaasimaha Somali Public Agenda, iyo Dr. Cabdulqaadir Macallin Maxamed Geeddi ...
  • Maareynta Kalaguurka: Dastuurka, Doorashooyinka & Dibadbaxyada 10.05.2026 1h 3min
    Muddadii afarta sano ahayd ee la doortay baarlamaanka federaalka waa dhamaatay. Sidoo kale muddadii afarta sano ahayd ee Madaxweynaha ayaa dhamaaneysa 15-ka May ee sanadkan. Weli dhinacyada heshiis kuma aha sida loo maareynayo doorashooyinka dowlad-goboleedyada iyo heer federaal. Qeybtan 71-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Xil. Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), oo ah mudane katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, horena u soo noqday muddo 3 jeer a...
  • Aragtida Dowladnimada 16.04.2026 1h 20min
    Horraantii sanadkan ayaa la soo bandhigay buug cusub oo ciwaankiisu yahay “Aragtida Dowladnimada”(The Idea of a State). Buuggan waxaa qoray Xuseen Sheekh Cali oo labo jeer soo noqday Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kalena ah guddoomiyaha Machadka Saldhig. Qeybtan 70-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Xuseen Sheekh Cali, waxa ay ku falanqeynayaan nuxurka buugga iyo farriimaha ku jira. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · &...
  • Wax-ka-beddelka Dastuurka iyo Maareynta Doorashooyinka Dalka 16.03.2026 47min
    Kadib burburkii shirkii u socday Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka, Baarlamaanka Federaalka ayaa dardargeliyay dhameystirka dib-u-eegista dastuurka. 4-tii Maarso ayuu Baarlamaanku u codeeyay 11 cutub, isagoo ku dhawaaqay in dib-u-eegistii dastuurka la soo gabagabeeyay. Afar maalmood kadib, Madaxweynaha ayaa saxiixay. Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo shiray kahor ansixinta dastuurka, ayaa diiday wax-ka-beddelka dastuurka, waxayna ku dhawaaqeen in 10-ka Abriil ...
  • Rethinking Governance in Somalia: Evidence from Peace and Conflict Research 04.03.2026 1h
    State-building efforts in Somalia have faced persistent challenges for decades. In this episode, we speak with a leading researcher from the London School of Economics about the realities of governance in Somalia. Drawing on extensive fieldwork across the country and the conclusion of a second major research programme, we discuss how political authority is exercised, how local and national dynamics shape governance, and what recent research suggests about Somalia’s future. In this 68th episod...
  • Mustaqbalka Howlgalka AUSSOM 19.02.2026 42min
    Howlgalka nabad-ilaalinta AUSSOM waxa uu Soomaaliya ka shaqeynayay tan iyo sanadkii 2007. Waa kid kamid ah howlgallada nabad ilaalin ee ugu wakhtiga dheer. Inkastoo ay jireen dadaallo kala duwan oo la doonayay in lagosoo afjarohowlgalka, weli waa shaqeynayaa. Howlgalka waa mid dalalkaMidowga Afrika ay ciidanka keeneen balse waajibaadkooda uuansixiyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Howlgalka ayaa wajahaya xaalad dhaqaale xumo. Qeybtan 67aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Sam...
  • Casharrada Laga Baran Karo Doorashooyinkii Dhacay 1954 ilaa 1969 09.02.2026 53min
    Soomaaliya waxa ay ku jirtaa marxalad doorasho. Dhawaan dadka ku nool Muqdisho ayaa qaarkood ka qeyb galay doorasho gole deegaan oo Muqdisho laga qabtay kadib muddo ka badan 55 sano. Maxaa casharro ah oo laga baran karaa doorashooyinkii dhacay kahor iyo kadib xornimadii dalka? Qeybtan 66-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & & Abukaate Maxamed Ciise Turunji, oo khabiir ku ah taariikhda & sharciyada buugaagna ka qoray, ayaa isla gorfeynaya casharrada laga baran karo doorash...
  • Saameynta Aqoonsiga Israel ee Somaliland ku yeelan karo Somaliland, Soomaaliya & Gobolka 28.01.2026 52min
    Israel ayaa dhamaadkii 2025 aqoonsatay Somaliland. Somali Public Agenda (SPA) ayaa daabacday warbixin gorfeyneysa sababaha loo maleyn karo in ay keeneen aqoonsiga, iyo saameynta uu ku yeelan karo Somaliland, Somalia & gobolka. Qeybtan 65-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge, ayaa Farxaan Isxaaq Yuusuf & Dr Aweis Ahmed, oo ka tirsan SPA islana qoray warbixinta, su’aalo ka weydiiyay nuxurka warbixinta & talooyinka ay soo jeedisay. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag ...
  • Hannaankii Midowga Gobollada Waqooyi iyo Koonfur & Dhismihii Jamhuuriyadda Soomaaliya (1960) 26.01.2026 34min
    Israel ayaa 25-kii Disembar 2025 aqoonsatay Somaliland. Doodda Somaliland 34-tii sano ee ugu dambeysay waxa ay ahayd in ay ahayd dal madax-banaani qaatay 26-kii Juun 1960-kii kahor inta aanu ku biirin Soomaaliya madax-bannaanidiisiina uu dib ula noqday. Su’aasha muhiimka ah ee iftiiminta u baahan waa sida uu ahaa midowga iyo hannaanka sharci ee loo maray. Qeybtan 64-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Abukaate Maxamed Ciise Turunji, oo khabiir ku ah taariikhda & sharciyada b...
  • Nooca Dowladnimada Miyay Naga Baahday? Tirada Siyaasiyiinta iyo Baaxadda Hay'addaha Dowladda 22.12.2025 44min
    Wasiirkii hore ee Batroolka Soomaaliya oo hadda falanqeeya arrimaha siyaasadda iyo dowlad-dhiska Mohamed Mukhtar Ibrahim ayaa dhawaan qoray labo maqaal oo ka hadlaya metelaadda iyo baaxadda hay’adaha dowladda ee heer federal iyo heer dowlad-goboleed. Maqaalka koowaad wuxuu ugu magac daray “Ma u baahan nahay 999 wakiil, 8 Madaxweyne iyo 6 Madaxweyne ku Xigeen, 1 Raisul Wasaare, 2 Raisul Wasaare Ku Xigeen, iyo 454 Wasiir?” Waxa uu ku dooday in tiradan badan ay keentay metelaad xumi, culays dhaq...
  • Jamhuuriyadda Saddexaad 25 Sano Kadib Shirkii Nabadda ee Carta 03.12.2025 1h 11min
    25 sano ayaa laga joogaa markii bishii August 2000 lagu dhisay Jamhuuriyadda Saddexaad ee magaalada Carta ee dalka Jabuuti. Shir lagu maamuusayo sanadguuradaas ayaa dhawaan lagu qabtay magaalada Carta. Geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya rubuc qarni kadib weli waa qabyo. Nidaamkii federaalka weli lama dhameystirin. Dib-u-eegista dastuurka weli waa socotaa. Dowladda federaalka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyadana khilaaf siyaasadeed ayaa ka dhex taagan. Qeybtan 62-aad ee Maamul Wa...
  • Maareynta Doorashooyinka Soomaaliya iyo Caqabadaha Ku Xeeran 06.11.2025 47min
    Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay ku jirtaa sanadkii afaraad. Geeddi-socodka doorashooyinka & dib-u-eegista dastuurka weli waa qabyo. Hannaanka doorashada waxa aanan qeyb ka ahayn siyaasiyiin ay kamid yihiin madaxweynayaal & raysal wasaarayaal hore. Raysal Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid waxa uu kamid ahaa afar siyaasi oo ka tirsanaa Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo heshiis siyaasadeed la galay hoggaanka dowladda federaalka 25-kii August ee sanadkan. Hadda ...
  • Aqoonsi-u-raadinta Somaliland & Dadaallada Dowlad-dhiska Soomaaliya 29.10.2025 45min
    Dalka Mareykanka waxaa ka socda dadaallo lagu raadinayo in uu Mareykanka u aqoonsado Somaliland dal ka madax-bannaan Soomaaliya. Dhanka kale dowladda federaalka ayaa wadda dadaallo loogasoo horjeedo in ay Somaliland ka go’do Soomaaliya. Qeybtan 60-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Feysal Rooble, oo ah aqoonyahan, falanqeeye & xubin katirsan Golaha Sare ee PDRC, waxa ay isla gorfeynayaan mustaqbalka Somaliland iyo guud ahaan geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya. Contact ...
  • Nidaamka Metelaadda Beelaha ee 4.5 & Xilalka Sarsare ee Soomaaliya 09.10.2025 1h 14min
    25 sano ayaa laga joogaa markii bishii August 2000 lagu dhisay Jamhuuriyadda Saddexaad magaalada Carta ee dalka Jabuuti. 4.5 in awoodaha loo qeybsado waxa ay kamid ahayd tiirarkii lagu dhisay dowladdaas. Inkastoo loo arkayay in muddo kooban kadib laga gudbi doono, 4.5 weli waa halbeegga metelaadda beelaha ee dowladda. Qeybtan 59-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Dr. Abdi Kusow, oo ah cilmibaare iyo bare jaamacadeed oo muddo wax ka qorayay arrimaha Soomaaliya & ...
  • Qorshaha Tirakoobka Dalka & Isticmaalka Xogaha Rasmiga ah 25.09.2025 48min
    Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliya (Somalia National Bureau of Statistics) waxa ay sanadihii lasoo dhaafay ku howlaneyd dadaallo la xiriira uruurinta xogaha rasmiga ah ee dalka oo ay kamid tahay tirakoobka. Tayada & tirada xogaha rasmiha ah ee la hayo, iyo sida looga faa’ideysto ayaanan dad badan u caddeyn. Qeybtan 58-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Dr. Abdisalan Mohamed, oo ah Agaasinmaha Guud ee Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliya, waxa ay ku gorfe...
  • Heshiiska Dowladda Federaalka iyo Qeyb Kamid ah Madasha Samatabixinta 05.09.2025 1h 1min
    25-kii Agoosto ee sanadkan, waxaa Muqdisho ku heshiiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qeyb kamid ah Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed. Qodobada heshiiska waxaa kamid ahaa in ay xubnaha baarlamaanka federaalka doortaan madaxweynaha sidoo kalena ansixiyaan xilkana ka qaadi karaan raysal wasaaraha & in urur-siyaasadeedkii ka hela ugu yaraan 10% xubnaha baarlamaanka fadaraalka uu noqonayo xisbi qaran Qeybtan 57-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Amb. Daahir Maxamuud Geelle ...