EACON Podcast
SIMAD Podcast
0
EACON Podcast waa madal Somali ah oo lagu falanqeynayo fursadaha bulshada Bariga Afrika. Waxay ka hadlaysaa sida bulsho ahaan looga faa’iideysan karo suuqa ballaaran ee Bariga Afrika. Podcast-kan waxaa soo bandhigaya SIMAD Podcast, wuxuuna la xiriira shirweynaha EACON2025 ee dalkeennu martigelinayo sanadkan. Waa calaamad sii wadidda iskaashiga iyo horumarinta bulshada Bariga Afrika.
ตอน
-
Heerka ay Somalia ka mareyso la-falgalka bulshada bariga afrik ee Midowga Kastamyada (Customs Union) 17.09.2026 1ชม. 11นาที𝐗𝐚𝐥𝐪𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟐𝐚𝐚𝐝 – 𝐄𝐀𝐂 𝐏𝐨𝐝𝐜𝐚𝐬𝐭 Xalqaddan waxay diiradda saareysaa safarka Soomaaliya ee ku biirista Bulshada Bariga Afrika, gaar ahaan waxa uu yahay Midowga Kastamyada (Customs Union) iyo sida uu u saameyn karo ganacsiga dalka. Waxaan ku falanqeyneynaa halka ay Soomaaliya ka mareyso hirgelinta heshiisyada EAC, iswaafajinta sharciyada kastamyada, fursadaha u furmaya ganacsatada, iyo caqabadaha ka hor imaan kara isdhexgalka dhaqaale ee gobolka.Xalqaddan waxaa marti inoogu ah Mohamed Isak Fatir, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah, ahna u-qaabilsanaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika.#EACPodcast #Soomaaliya #MidowgaKastamyada #Ganacsi #IsdhexgalGoboleed -
Heerka ay Somalia ka mareyso la-falgalka bulshada bariga afrika,canshuuraha, fursadaha iyo caqabadaha hor yaalla 24.02.2026 1ชม. 11นาทีXalqaddan waxaa marti inoogu ah Maxamed Isxaaq, Agaasimaha Guud ee Wasaradda Arrimaha Dibada iyo iskaashiga Calamiga ah, ahna u-qaabilsanaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika.Waxaan ku falanqeyn doonnaa Heerka ay Somalia ka mareyso la-falgalka bulshada bariga afrika,canshuuraha, fursadaha iyo caqabadaha hor yaalla, iyo qodobo kale oo muhiim u ah la falgalka bulshada bariga afrika. -
EAC Podcast | Xalqadda 1aad – Soomaaliya iyo Ku Biirista Bulshada Bariga Afrika (EAC) 19.01.2026 48นาทีEAC Podcast, waa madal lagu falanqeyn doono fursadaha Bulshada Bariga Afrika ee aan dhowaan ku biirnay iyo sida aan bulsho ahaan uga faa’iideysan karno suuqa ballaaran ee Bariga Afrika.