Irmaan

Irmaan

Dawan Media
ประเทศ โซมาเลีย
ภาษา EN
จำนวนตอน 2
ล่าสุด 28.08.2026

Irmaan is a business and entrepreneurship podcast by Dawan Media that highlights the builders, innovators, founders, and CEOs shaping Somalia's economic future. Each episode features candid conversations with leaders from successful Somali companies, covering fintech, logistics, retail, agribusiness, healthcare, media, and tech startups. The show explores the early struggles, risks, turning points, and lessons behind growth and resilience in one of the world's most dynamic emerging markets. It offers practical insights and inspiration for the next generation of founders.

ตอน

  • S1 E8: Irmaan Podcast | Banaadiri Coffee: Dagaalkii Bunka, Ganacsi & Shaqo-Abuur, Ibraahim Ali Shido 28.08.2026 55นาที
    Sidee ku bilaabatay Banaadiri Coffee, maxaase ka dambeeyay caqabadihii waaweynaa ee ay la kulmeen markii ay dib u bilaabayeen ganacsiga bunka Soomaaliya? ☕🇸🇴Qeybtan Irmaan Podcast, waxaa marti ku ahaay Ibraahim Ali Shido, Maamulaha Banaadiri Coffee, oo si faahfaahsan uga sheekeynaya bilowgii Banaadiri Coffee, konteenarkii bunka ee caqabadda galay, “dagaalkii bunka”, tababarka baristayaasha, shaqo-abuurka dhalinyarada iyo mustaqbalka coffee-ga Soomaaliya.Waxaad sidoo kale ku ogaan doontaa sida Banaadiri Coffee u xulato coffee-ga, noocyada kala duwan ee bunka, xirfadda barista iyo su’aasha weyn: Soomaaliya coffee ma lagu beeri karaa?Time Codes00:00 – Hordhac01:56 – Bilowga Banaadiri Coffee06:52 – Dib ugu soo laabashadii dalka ee Banaadiri Coffee10:15 – Maxaa ku dhacay konteenarkii bunka ee ay keeneen bilowgii?15:38 – Furitaanka xarunta tababarka Barista20:16 – Dagaalkii Bunka ee lagu guuleystay23:00 – Xarunta tababarka Banaadiri Coffee iyo xalka shaqo la’aanta29:09 – Sidee Banaadiri Coffee u xushaan coffee-ga?35:15 – Noocyada Coffee-ga iyo awooddiisa37:00 – Mustaqbalka Banaadiri Coffee42:26 – Qiimaha barashada Coffee sameynta48:36 – Soomaaliya Coffee ma lagu beeri karaa?Haddii aad xiiseyneyso ganacsiga, coffee-ga, shaqo-abuurka dhalinyarada iyo fursadaha cusub ee Soomaaliya, wareysigan ha moogaan.
  • S1 E7: Irmaan Podcast | Shaqaale iyo Loo-shaqeeye: Yaa Qaldan? | Maxamed Jibriil 28.08.2026 39นาที
    Shaqaale iyo loo-shaqeeye—yaa qaldan marka uu khilaaf yimaado?Qaybtan Irmaan Podcast waxaan ku martiqaadnay Maxamed Jibriil, oo ah lataliye ganacsi la shaqeeya shirkado Soomaaliyeed. Waxaan si qoto dheer uga wada hadalnay xaaladda shaqo la’aanta Soomaaliya, caqabadaha u dhexeeya shaqaalaha iyo loo-shaqeeyayaasha, xuquuqda shaqaalaha iyo sababaha keena in shaqaaluhu shaqada ka tagaan.Maxamed Jibriil wuxuu sidoo kale sharxayaa halka ay salka ku hayso shaqo la’aanta dhalinyarada Soomaaliyeed, muhiimadda tababarka shaqaalaha iyo tallaabooyinka ay tahay inay qaadaan shirkadaha iyo shaqaaluhuba si loo helo jawi shaqo oo wanaagsan.Timecode:00:00 Hordhac01:30 Xaaladda shaqada la’aanta Soomaaliyeed02:40 Mushkiladda Shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha09:45 Shaqa la’aanta dhalinyarada Soomaaliyeed11:48 Sharciga Shaqaalaha16:34 yaa qaldan shaqaalaha iyo milkiilaha marka ay timaado shaqa ka tagis?26:45 maxaa asal u ah shaqa la’aanta?29:12 Shaqada Baariistanimada iyo Soomaalida33:34 Fariinta Maxamed Jibriil ee shaqaalaha iyo shirkadaha Daawo wareysiga oo dhammeystiran, kadibna nala wadaag aragtidaada:
  • S1 E6: Irmaan Podcast | Taariikhda Beeraha Soomaaliya: Maxaa Ku Dhacay Mooskii Soomaaliya? 28.08.2026 1ชม. 35นาที
    Beeraha Soomaaliya waxay soo mareen marxalado kala duwan—laga soo bilaabo xilligii gumeysiga, dowladdii rayidka, kacaankii, burburkii dowladdii dhexe ilaa maanta.Qeybtan cusub ee Irmaan Podcast, Cabdullaahi Salad waxaa marti u ah Maxamed Abiikar Axmed, Guddoomiyaha Ururka Qaranka Iskaashatooyinka Beeraha Soomaaliya.Waxyaabaha laga hadlay waxaa ka mid ah:Taariikhda beeraha SoomaaliyaDoorkii Talyaaniga iyo gumeysigaBeerihii dowladdii rayidka iyo kacaankiiDhoofintii mooska SoomaaliyaDagaalkii MooskaSababaha hoos u dhaca wax-soo-saarkaXaaladda maanta ee beeraha iyo dhoofintaDoorka iskaashatooyinkaSababta bangiyadu u maalgelin waayeen beerahaQalabka beeraha iyo taageerada dowladdaSida Soomaaliya u gaari karto isku filnaansho cuntoQaybaha muuqaalka:00:00 Hordhac02:02 Taariikhdiisa waxbarasho iyo shaqo11:08 Beeraha Soomaaliya ka hor gumeysiga13:53 Xilligii gumeysiga Talyaaniga19:00 Dowladdii Rayidka iyo beeraha21:22 Kacaankii iyo horumarinta beeraha33:20 La wareegidda hantidii ajaanibta41:44 Korontada iyo horumarka beeraha44:12 Mooska Soomaaliya iyo burburkii dowladdii Militariga48:58 Dagaalkii Mooska Soomaaliya51:14 Wax-soo-saarka iyo dhoofinta wixii ka dambeeyay 20001:10:38 Xaaladda maanta ee mooska iyo waxyaabaha la dhoofiyo1:13:50 Doorka iskaashatooyinka1:17:02 Bangiyada iyo maalgelinta beeraha1:21:22 Qalabka beeraha ee dowladda keentay1:26:45 Sidee loo gaari karaa isku filnaansho cunto?
  • S1 E5: Irmaan | Sirta Domain-ka .SO: Ciise Guuleed oo Ka Hadlay HP, 11 Bilyan, Farmaajo & Eurosom 28.08.2026 1ชม. 30นาที
    Wareysi Xiisa leh oo Dr. Ciise Guuleed kala hadlayo sheekooyin badan oo dadku isweydiin jireen—yaa lahaa doorka Domain-ka .SO? Maxaa ka jira 11 bilyan? Maxaa dhex maray isaga iyo Farmaajo? Sidee ayuu ku galay HP? AI-se ma beddeli kartaa mustaqbalka Soomaaliya?Wareysigan waxaad ku ogaan doontaa taariikh, sirar, khibrad caalami ah, siyaasadda Soomaaliya, data, AI, Eurosom, iyo sababta tiknoolajiyaddu muhiim ugu tahay jiilka cusub.🔔 Haddii aad ka heshid barnaamijkan, fadlan SUBSCRIBE dheh, LIKE-na saar, si aad u heshid wareysiyada dambe ee muhiimka ah!Timecode:00:00 hordhac02:10 Taariikhda Ciisa Guuleed iyo Domain-ka .so12:48 Sameystee Sophia iyo Doorkii Ciise Guuleed, ku biiristii HP18:20 11bilyan maxaa ka soo gaaray Ciise?24:20 HP ka dib intee ayuu aaday?27:11 Domain-ka .so sidee ayuu ku wareejiyay?31:38 maxaa dhex maray Cise iyo Farmaajo?50:54 Eurosom iyo safarkii Muqdisho ay ku timid58:05 sidee loo soo dhaweeyay Shirkadda?1:02:00 Qabyaaladda malagu xalin karaa AI?1:05:58 Barashada AI ee siyaasiyiinta1:08:27 caqabadaha ay suuqa kala kulantay Eurosom1:13:44 ilaa intee ayay Eurosom Data hayn kartaa?1:18:33 meeqa meel ayay data ku haayaan?1:22:10 Maxaa ku dhaliyay in ay dadka baraan AI iyo Tiknoolajiyadda?1:26:00 Gabagabo#CiiseGuuleed #Somalia #DotSO #AI #Farmaajo #HP #Eurosom #SomaliPodcast #Tiknoolajiyad
  • S1 E4: Maxaa laga soo maray dhismaha Dilek Somalia? Sheekada Mooska iyo Soomaalida | Irmaan Podcast 28.08.2026 32นาที
    Dilek Somalia sidee ayay ku timid? Maxay kala kulmeen bilowgii dhismaha shirkadda? Sidee ayay maanta u shaqeysaa, shaqaalahana u qaadataa? Su’aalahan iyo kuwo kale oo badan waxaa Irmaan Podcast uga jawaabaysa Naciima Faarax Cabdi.📌 Qodobada ugu Muhiimsan ee Wareysiga:• Bilowgii iyo aasaaskii Dilek Somalia• Caqabadihii ugu adkaa ee ay soo mareen• Habka ay shaqaalaha u qaataan• Isbeddelka suuqa shaqada• Waxyaabihii ay ka barteen safarka Dilek Somalia• Af-Turki iyo doorkiisa Dilek Somalia• Sheekada xiisaha leh ee “Mooska” ee Dilek Somalia 🔔 Haddii aad ka heshid barnaamijkan, fadlan SUBSCRIBE dheh, LIKE-na saar, si aad u heshid wareysiyada dambe ee muhiimka ah!#DilekSomalia #IrmaanPodcast #NaciimaFaraxCabdi #DawanTV #ShaqooyinkaSomalia #GanacsigaSomalia #PodcastSomaliTime code 00:00 hordhac01:08 Dilek Somalia sidee ayay ku timid?06:18 Maxay kala kulmeen bilowga dhismaha Dilek Somalia?08:15 Caqabadi ugu adkeed inta ay Dilek Somalia10:30 Sidee Dilek Somalia hadda u shaqeysaa?14:20 Sidee Dilek Somalia Shaqaalaha u qaadataa?18:23 Suuqa shaqada maxuu ka badalay?20:00 Dilek Somalia Maxaa lagu bartay?23:24 Af Turki malooga hadlaa Dilek Somalia?25:18 Sheekada Mooska ee Dilek Somalia29:25 Gabagabo
  • S1 E3: Maxaa dilay Shilinka Soomaaliga? | Irmaan Podcast 26.08.2026 58นาที
    Podcast-kan Irmaan waxaan ku falanqeyneynaa mustaqbalka Shilinka Soomaaliga, sababaha keenay in Soomaalidu si weyn u isticmaasho Doolarka, iyo doorka Mobile Money-ga ee dhaqaalaha Soomaaliya.Martida: Dr. Cabaas Cumar Maxamed waxaa daadihinaya Cabdullaahi Salaad oo ka tirsan Dawan Media.Martidu waxay sharxeysaa waxa lacag qiimo u yeela, kalsoonida bulshada, taariikhda Shilinka Soomaaliga, burburkii lacagta kadib dowladnimadii, iyo su’aasha weyn ee ah: Soomaaliya ma soo celin kartaa lacagteeda?Waxaan sidoo kale ka hadlaynaa doorka Bangiga Dhexe, caqabadaha daabacaadda Shilin cusub, Dollarization-ka, sicir-bararka, iyo sida dib-u-habeyn dhaqaale oo taxaddar leh loogu baahan yahay.Chapters:Waa maxay lacag?Taariikhda Shilinka SoomaaligaMaxaa keenay isticmaalka Doolarka?Mobile MoneyDoorka Bangiga DhexeDollarization iyo dhaqaalahaSoo celinta lacagta dalka#Somalia #SomaliShilling #MobileMoney #Dollarization #BangigaDhexe #IrmaanPodcast #DawanMedia00:00 Hordhac: Shilinka Soomaaliga ma soo noqon karaa?01:28 Martida podcast-ka: Dr. Cabaas Cumar Maxamed02:55 Cilmi-baarista dhaqaalaha iyo dowladaha dhaqaalahoodu liito04:22 Lacagtu maxay qabataa?05:50 Shilinka Soomaaliga iyo qiimeyntiisa maanta07:18 Dhibaatada isticmaalka Shilinka ee ganacsiga waaweyn08:45 Lacagaha duugga ah iyo kuwa been-abuurka ah10:13 Xilligii Shilinka Soomaaliga xoogga lahaa11:41 Sababihii qiima-dhaca Shilinka13:08 Lacagta iyo madax-bannaanida dhaqaale14:36 Doolarka iyo xasilloonida ganacsiga Soomaaliya16:04 Suuqa iyo isbeddelka sarifka17:31 Saameynta Doolarka ee dadka danyarta ah18:59 Doolarka iyo sicir-bararka gudaha20:27 Mobile Money iyo isbeddelka dhaqaalaha21:54 Sidee Mobile Money u fududeeyey nolosha?23:22 Shirkadaha Mobile Money-ga iyo kalsoonida bulshada24:49 Lacagta digital-ka ah iyo isticmaalka maalinlaha ah26:17 Shilin cusub ma lagu shaqeyn karaa?27:45 Kalsoonida bulshada iyo lacag cusub29:12 Doorka dowladda ee soo celinta lacagta30:40 Maxaa loo baahan yahay ka hor Shilin cusub?32:07 Bangiga Dhexe iyo awooddiisa dhaqaale33:35 Kormeerka bangiyada iyo nidaamka maaliyadeed35:02 Lacag daabacid ma ku filan tahay?36:30 Bangiga Dhexe iyo shaqooyinka casriga ah37:57 Commercial banks iyo Central Bank39:26 Qiimaha lacagta iyo tartanka ganacsiga40:54 Immisa Shilin ayaa Soomaaliya u baahan kartaa?42:22 Tallaabooyinka lagu soo celin karo Shilinka43:49 Financial infrastructure-ka Soomaaliya45:17 Doolarka iyo siyaasadda dhaqaalaha dowladda46:45 Canshuuraha, Mobile Money iyo maamulka dowladda48:12 National Transformation Plan iyo lacagta dalka49:40 Dhaqaalaha dunida iyo saameynta isbeddellada51:08 Sicir-bararka iyo qiima-dhaca lacagta52:35 Sicir-barar xad-dhaaf ah maxaa keena?54:03 Talooyinka dowladda iyo ganacsatada55:31 Muwaadinimada iyo soo celinta lacagta dalka56:58 Gunaanad: Bangiga Dhexe iyo caqabadaha harsan
  • S1 E2: Yaa Iska Leh New Muqdisho? Mashruuca Muqdishada Cusub. 17.05.2026 2ชม. 9นาที
    Yaa iska leh New Muqdisho? Maxuu yahay Mashruuca Muqdishada Cusub? Sidee ayuu u shaqeyn doonaa maalgelintiisu, maxaase doorka Bangiyada Soomaaliya ku jira?Qeybtaan Irmaan Podcast, waxaan ku wareysaneynaa Abdirahmaan Ali, oo si faahfaahsan uga hadlay fikradda New Muqdisho, xaaladda Bangiyada Soomaaliya, Mobile Money, maalgelinta mashaariicda, caqabadaha dhismaha, shaqo la’aanta dhalinyarada, iyo sida mashruucan uu qeyb uga noqon karo isbeddel dhaqaale iyo mid magaalo oo ka dhaca Soomaaliya.Wareysigan wuxuu sidoo kale iftiiminayaa su’aalo muhiim ah oo ay dad badan is weydiinayaan:Yaa iska leh New Muqdisho?Sidee loo maalgelinayaa?Imisa ayuu yahay halka share?Maxaa caqabad ku noqon kara mashruuca?Bangiyada Soomaaliya heerkee ayay maanta marayaan?Mobile Money faa’iido ma yahay mise caqabad?Mashruucan ma abuuri karaa shaqooyin cusub?Daawo wareysiga oo dhan si aad u fahanto fursadaha, caqabadaha iyo mustaqbalka Mashruuca Muqdishada Cusub.Timecodes00:00 Hordhac02:00 Taariikhda Abdirahmaan Ali03:15 Xaalka Bangiyada Soomaaliya10:15 Heerka Bank-yada Soomaaliya halkee ayuu marayaa?14:38 Mobile Money: dhibaato miyaa mise faa’iido?25:15 Maxaa keena in lacagta cash-ka la isticmaalo?30:27 Maalgelinta Bank-yada ee mashaariicda36:02 Maxaa waaye fikradda New Muqdisho?49:44 Yaa la tartamaya New Muqdisho?53:03 Sidee ayay u kala horeeyaan dhismaha mashaariicda?1:02:00 Xalka iyo caqabadaha maalgelinta isbeddelka cimilada1:13:34 New Muqdisho iyo xalka shaqo la’aanta Soomaaliya1:24:40 Farqiga lacagta dhismaha iyo faa’iidada1:32:04 Imisa waaye halka share? Iyo maalgelinta1:45:57 Caqabadaha Mashruuca New Muqdisho1:57:07 Maxay ka baqaan dadka Soomaaliyeed?2:02:55 Maxaa iska beddelay filashada fikraddiisa?2:06:13 Gabagabo
  • S1 E1: Aas-aasihii Caymiska Soomaaliya: Qisada Maxamed Takaful | Irmaan Podcast 02.05.2026 1ชม. 22นาที
    Xalqadan Irmaan Podcast, waxaan ku martigelinay Maxamed Cabdi Maxamed “M.Takaful”, oo ka mid ah dadka ugu horreeyay ee dadaal weyn ku bixiyay hirgelinta iyo fahamsiinta fikradda caymiska Soomaaliya.Maxamed Takaful wuxuu ka sheekeynayaa safarkiisa shaqo iyo ganacsi, laga soo bilaabo ganacsigii dahabka iyo dharka, maqaayad uu ka bilaabay nolol ganacsi, ilaa fikirkii caymiska oo markii hore la kulmay caqabado badan balse markii dambe dib loo bilaabay.Wareysigan wuxuu si qoto dheer uga hadlayaa sida ay ku timid fikradda caymiska, sababihii fashiliyay bilowgii hore, dib-u-dhiska fikradda, sameynta sharciga caymiska dalka, iyo caqabadihii sharci, bulsho iyo ganacsi ee hortaagnaa in caymis rasmi ah ka hanaqaado Soomaaliya.Xalqaddu waxay sidoo kale taabaneysaa xiriirkii uu la yeeshay shirkaddii ugu horreysay, sameynta sharciga Islaamiga ah ee caymiska Soomaaliya, iyo waqtiyadii adkaa ee shirkadda soo martay.Daawo wareysi xiiso leh oo ku saabsan ganacsi, hal-abuur, caymis, sharci, adkeysi iyo mustaqbalka adeegyada maaliyadeed ee Soomaaliya.Chapters / Timestamps00:00 Hordhac02:16 Taariikh nololeedkiisa shaqo iyo ganacsi12:40 Ganacsigii dahabka iyo dharka15:01 Ganacsigii maqaayadda ee laga soo beddelay pop-ka18:30 Maxay ku timid fikradda caymiska?22:20 Bilowgii fikradda caymiska maxaa fashiliyay?24:05 Dib-u-bilowgii fikradda caymiska28:33 Bilowga sharciga caymiska dalka33:50 Shirkaddii ugu horreysay ee uu xiriir la yeeshay43:46 Sameynta sharciga Islaamiga ah ee caymiska Soomaaliya52:17 Caqabadihii sharciga caymiska hortaagnaa sanadaha badan59:09 Waqtiyadii adkaa ee shirkaddu soo martay1:05:58 Fariinta Caymiska Maxamed M.Takaful1:12:51 Qaaraanka iyo caymiska1:14:45 Gabagabo