Adeeg Wanaag
Somali Public Agenda
0
Public services in Somalia are highly limited due to the weakness of government institutions struggling to recover from destruction caused by conflict. However, even those government services that do exist fail to serve people effectively. Access to public services is a fundamental right for Somali citizens. Join Aweis Ahmed, the director of the SPA Policy Lab, and his guests, who will intensely discuss the public service matters in Somalia in the Adeeg Wanaag podcast.
Епізоди
-
Reer Miyiga Sidee Ayay U Maareeyaan Abaaraha? 06.05.2026 29хвDhammaadka sanadkii hore, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday xaalad abaareed in uu dalku galay, kadib markii ay baaqdeen roobabkii deyrta, iyo xilliga kuleylaha jiilaalka ee ka dambeeyay. In ka badan 5 milyan oo qof ayaa la sheegay in ay abaartu saameysay. Hay’adda Ground Truth Solutions, ayaa warbixin dhawaan ka qortay saameynta abaarta, hababka bulshooyinku ula tacaaleen, iyo sida ay tahay haya’daha ka shaqeeya arrimahan in ay u wajahaan. Qeybtan 45-aad ee A...
-
Sidee u shaqeeyaa adeegga lacag-bixinta degdegga ah? 07.04.2026 1год 1хвInkastoo ay Soomaaliya horumar ka sameysay adeegga bangiyada iyo shirkadaha kale ee ka shaqeeya arrimaha lacagaha, haddana dadweynaha iyo ganacsatada waxa ay culeys ku qabeen in lacagaha la isaga kala diri karin bangiyada iyo shirkadaha maaliyadda dhexdooda. Shirkadda Somali Payement Switch ayaa la sameeyay si ay u fududeyso adeegga lacag dirista iyo wax kala iibsiga, iyadoo la adeegsanayo bangiyo kala duwan. Qeybtan 44-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Ahmed iyo Cabdullahi Biixi Xusee...
-
Sidee Loo Kordhin Karaa Dakhliga Canshuuraha ee Dowladda Hoose ee Degmada Cadaado? 13.03.2026 32хвDegmada Cadaado waxa ay ka mid tahay degmooyinkii ugu horreeyay ee Dowlad-goboleedka Galmudug oo maamul iyo hay’ado shaqeeya yeesha. Dowaldda hoose ee degmadu waxa ay qaaddaa canshuur kala duwan, si ay adeegyo kala duwan ugu qabato. Hase ahaatee, maamulka degmada ayaanan soo xareeyn canshuur ku filan, sababo kala duwan awgood. Somali Public Agenda ayaa dhawaan daabacday daraasad ku saabsan “Sida loo kordhin karo Dakhliga Canshuuraha Dowladda Hoose ee Degmada Cadaado?” ayadoo la adeegs...
-
Sidee Hay’adda Dhowrista Xogta ugu Adeegtaa Muwaaddiniinta Soomaaliyeed? 02.03.2026 36хвXogaha kala duwan ee muwaadiininta ku saabsan waxaa gacanta ku haya hay’ado kala duwan, kuwaas oo dowli ah ama aan dowli aheyn. Waxaa lagama maarmaan ah in xogahaasi aan loo adeegsan si ka baxsan inta sharcigu oggol yahay. Qeybtan 42-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Ahmed iyo Maxamed Nuur Colow, oo ah Maareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha ee Soomaaliya, waxa ay ku falanqeynayaan kaalinta Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliyeed, oo ah haya’dda ku shaqada leh howlaha xog ...
-
Af Soomaaliyeynta Erayada Loo Adeegsado Garaad-Gacmeedka (AI) 22.01.2026 38хвAdeegsiga Artificial Intelligence ama Garaad Gacmeedka ayaa dunida aad ugu baahay sanadihii ugu dambeeyay. Soomaaliya, Garaad Gacmeedka waxaa loo aadgsadaa qeybo kala duwan. Sidaas oo ay tahay, ereyada Af Soomaaliga ah ee la xirriira Garaad Gacmeedka aad uma horumarsana. Dhawaanahan waxaa jiray dadaallo lagu horumarinayo turjumidda erayda la xiriira Garaad Gacmeedka ama AI, waxaana ka shaqeynayay aqoonyanno kala duwan. Qeybtan 41-aad ee Adeeg Wanaag Podacast, Aweis Ahmed, Dr. Peter Chon...
-
Muxuu ka Shaqeyn Doonaa Guddiga Tacliinta Sare ee Dalka? 08.12.2025 1год 6хвGolaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee dalka, kaas oo ka shaqeyn doona hagidda iyo horumarinta hey’adaha tacliinta sare ee dalka. Qeybtan 40-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Ahmed iyo Prof. Cabdinur Sh. Maxamed oo ah guddoomiyaha guddiga, hore na u soo noqday Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare eee dalka, waxa ay ku falanqeynayaan guud ahaan howlaha tacliinta sare ee dalka, gaar ahaan howlaha horut...
-
Culeysyada Ka Jira Qaadashada Kaarka Aqoonsiga & Sida Hay’adda NIRA u Maareyso 17.11.2025 1годHay'adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed (NIRA) ayaa waxa ay ku howlaneyd in muddo ah bixinta karaarka aqoonsiga dadweynaha. Balse dhowrkii bil ee ugu dambeeyay waxaa jirtay in dadweynuhu aad ugu xoomeen qaadashada kaarka, halkaasoo culeysyo kala duwan ay la kulmeen dadweynaha kaarka dalbanayay iyo howlwadeennada Hay’adda. Qeybtan 39-aad ee Adeeg Wanaag, Aweis Ahmed iyo Maxamed Cabdullaahi Juuni, oo ah agaasimaha Waaxda Howlgelinta ee hay’adda NIRA, waxa ay ku falan...
-
Xaaladda Caruurta aan Dugsiyada Aadin ee Muqdisho & Sida Lagu Xallin Karo 16.09.2025 28хвAdeegga waxbarashada ee dalka, gaar ahaan, midka ka jira magaalada Muqdisho ayaa soo kabanaya. Sidaa oo ay tahay, waxaa la sheegaa tiro aad u badan oo caruurta magaalada ku nool in aysan aadin dugsiyada waxbarashada nidaamiga ah. Dhawaan waxaa la dabaacay daraasad ka hadleysa sababaha dhaliyay arrinkaas iyo sida lagu xallin karo. Qeybtan 38-aad ee Adeeg Wanaag podcast, Aweis Ahmed iyo Dr. Abdifatah Ismael Tahir oo hormuud u ahaa cilmibaarayaashii ka shaqeeyay daraasa...
-
Adeegyada Xalka Waara iyo Horumarinta Reer Miyiga 08.09.2025 43хвColaadaha iyo musiibooyinka dabiiciga ah ee dalka ka jira waxa ay sababeen barakac baahsan, kaas oo saameyn weyn ku yeeshay bulshooyinka reer miyiga ah. Ku dhowaad afar milyan oo qof ayaa barakac ku ah gudaha dalka. Hay’adaha dowaliga ah, sida Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara iyo kuwa aan dowliga aheyn ayaa ku howlan xal-u-hellida dadka barakacayaasha ah. Qeybtan 37-aad ee Adeeg Wanaag Podacast, Dr. Aweis Ahmed iyo Zahra Abdi Mohamed, oo ah Agaasimaha Guud...
-
Duruufaha Dhaqaale ee Dalk Ka Jira & Sida loo Maareyn karo 25.08.2025 47хвDuruufaha dhaqaale ee muwaaddiniinta Soomaaliyeed guudahaan ay wajahayaan, gaar ahaan kuwa ku nool gobolka Benaadir ayaa sii xoogeysanaya. Duruufahaas oo nuucyo kala duwan leh, sababo kala duwanna lala xiriirin karo, waxa ay saameyn ku yeesheen bulshada qeybaheeda hoose. Qeybtan 36-aad ee Adeeg Wanaag Podacast, agaasimaha SPA Policy Lab, Dr. Aweis Ahmed iyo Prof. Yaxye Caamir, waxa ay ku falanqeynayaan duruufahaas dhaqaale, waxa sababaya iyo sida lagu maareyn karo. Contact Somali Publi...
-
Warbaahinta Madaxa Bannaan iyo Adeegyada ay Bulshada u Qabtaan 28.07.2025 1год 1хвTan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, dalka waxaa ka hanaqaaday warbaahin madax-bannaan oo noocyo kala duwan leh, taas oo marxalado kala duwan soo martay, isla markaana duruufo adag ku soo shaqeysay. Warbaahinta madaxa-bannaan ayaa waxa ay adeegyo kala duwan u qabataa muwaaddiniinta Soomaaliyeed. Qeybtan 35-aad ee Adeeg Wanaag podacast, agaasimaha SPA Policy Lab, Aweis Ahmed, iyo Faarax Nuur oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ...
-
Barakacayaasha iyo Kaalintooda ku Aaddan in Xal Waara Loo Helo Barakaca 11.06.2025 33хвColaadaha iyo musiibooyinka dabiiciga ah ee dalka ka jira waxa ay sababeen barakac baahsan. Qiyaastii afar milyan oo qof ayaa ku barakacay gudaha dalka. Dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo hay’adaha aan dowliga aheyn ayaa ku howlan xal-u-hellida dadka barakacayaasha ah. Somali Public Agenda ayaa dhawaan daabacday daraasad ku saabsan “Sida Xal Waara Loogu Heli Karo Dib-u-dejinta Dadka Barakacayaasha ah” ayadoo la adeegsanayo hababka ay bulshada isku abaabulaan, isugu tashtaan, ...
-
Sababaha Shaqo La’aanta Dhallinyarada iyo Sida Loo Maareyn Karo 20.05.2025 47хвSoomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka dadweynahooduay dhallinyaro u badan yihiin. Waxaa la sheegaadadweynaha Soomaaliya in ka badan 70 boqolkiiba in ay dhallinyaro yihiin. Dhallinyaradaas waxaa saameyn weynku yeesha shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta. Qeybtan 33-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, AgaasimahaSPA Policy Lab, Dr. Aweis Ahmed, iyo Marwo Bahjo Shuuriye oo ah Agaasimaha SIMAD iLab, waxa ay kufalanqeynayaan guud ahaan shaqo la’aanta ka jirta dalka, gaar ahaan saameynta ay dha...
-
Adeegyada Caafimaad ee Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfer) 11.03.2025 45хвIsbitaalka Erdogan (Ex-Digfer) waxaa la aaminsan yahay inuu yahay mid kamid ah isbitaallada ugu casrisan dalka, islamarkaana bixiya adeegyada ugu badan ee caafimaad ee Soomaaliya. Qeybtan 32-aad ee Adeeg Wanaag podcast, Aweis Ahmed, agaasimaha SPA Policy Lab, iyo Maxamed Xuseen Ashraf, oo ah agaasimaha isbitaalka Erdogan, ayaa ku falanqeynaya adeegyada caafimaad ee uu bixiyo Isbitaalka Difger. #SPAPodcasts #AdeegWanaagPodcast #AdeegWanaag #SomaliPublicAgenda Contact Somali ...
-
Waxqabadka Dowladda Hoose ee Degmadda Cadaado & Caqabadaha ku Gedaaman 18.02.2025 40хвDegmada Cadaado ee dowlad-goboleedka Galmudug waxa ay ka mid tahay degmooyinkii ugu horreeyay ee gole deegaan yeesha. Golaha deegaanka iyo maamulka degmadaas oo muddo-xiloodkii loo doortay kala-bar qaatay, maxaa u qabsoomay, caqabadaha heystase maxay yihiin? Qeybtan 31-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Axmed & Faarax Diiriye Warsame, oo ah guddoomiyaha degmada Cadaado, ayaa ku falanqeynaya howlaha maamul, adeeg bixin iyo isla-xisaabtan ee degmada Cadaado. Contact Somali Publi...
-
Waa Sidee Adeegga Caafimaadka Hooyada & Dhallaanka ee Isbitaalka Benaadir? 06.02.2025 1год 11хвAdeegga caafimaadka ee guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan midka hooyada iyo dhallaanka waxa uu ka mid yahay adeegyada loogu baahida badan yahay dalka. Waxaa la sheegaa Soomaaliya in ay ka mid tahay dalalka ugu horreeya oo ay hooyada iyo dhallaanku u geeriyoodaan daryeel la’aan. Qeybtan 30-aad ee Adeeg Wanaag podcast, Aweis Axmed iyo Fartuun Shariif Maxamed oo ah Agaasimaha Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Benaadir, waxa ay ku falanqeynayaan adeegga caafimaadka hooyada iyo dhallaanka...
-
Dib-u-eegista iyo Hagaajinta Adeegga Garsoorka iyo Hay’adaha Cadaaladda 28.01.2025 47хвAdeegga garsoorku waxa uu udub-dhexaad u yahay adeegyada kala duwan ee ay dowladuhu bixiyaan. Burburkii dowladii dhexe kadib, hay'adaha garsooku waxay ku jireen marxalad soo kabasho ah. Qeybtan 29-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweys Axmed & Avv. Daahir Maxamed Cali, oo ah qareen, bare jaamacadeed, tababare sharci, sidoo kalana ah Xoghaya guud ee Ururka Qareennada Soomaaliyeed iyo aasaasaha iyo guddoomiyaha Madasha Garyaqaannada Soomaaliyeed, waxa ay ku falanqeynayaan sida dib-u-eegi...
-
Teknoolojiyadda Casriga ah iyo Fududeynta Adeegyada Dowladda 24.12.2024 36хвSoo ifbaxa kumbiyuutarrada, internet-ka, iyo aaladaha kale ee fududeeya xiriirka bulshada waxa ay sare u qaadeen adeegyada kala duwan oo ay bixiyaan dowladaha. Waxaa loogu magac daray electronic government oo loo soo gaabiyo E-government, oo macanaheedu yahay in adeegyada dowladda la bixiyo iyadoo la adeegsanyo hannaan electronic ah. Qeybtan 28-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweys Axmed & Dr. Yaxye Abukar Axmed oo ah Agaasimaha Xarunta Cilmibaarista iyo Horumarinta ee Jaamicadda SIMAD...
-
Maareynta Musiibooyinka iyo Kaalinta Haya’daha Dowladda 17.12.2024 37хвSoomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka ugu nugul musiibooyinka, iyadoo dalku uu u dhexeeyo abaaro iyo fatahaado iyo musiibooyinka ay sababeen colaadaha joogtada ah. Dardar-gelinta howlaha maareeynta masiibooyinka waxaa dowladda u qaabilsan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA). Qeybtan 27-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweys Axmed & Cabdullahi Maxamed Cabdi (Qaran) oo ah Agaasimaha Xarunta Cilimibaarista Musiibooyinka iyo Tababarada ee Hay’adda SoDMA waxa ay ku falan...
-
Canshuurta Iibka iyo Caqabadaha ku Gedaaman 03.12.2024 28хвDowladda federaalka ayaa dhawaan billowday canshuurta iibka, taas oo ka hirgashay suuqyada magaalada Muqdisho. Somali Public Agenda (SPA) ayaa daabacaday faallo qoto-dheer oo falanqeyneysa canshuurta iibka, shuruucda lagu saleeyay, habka loo qaadayo, iyo sidoo kale caqabadaha ku gedaaman hirgelinta canshuurta iibka. Qeybtan 26-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweys Axmed & Farxiya Maxamuud oo ah cilmibaare katirsan Somali Public Agenda & sidoo kale mid kamid ah qorayaasha warbixinta ayaa ...