Politiko 360

Politiko 360

Dawan Media
Country Somalia
Language EN
Episodes 1
Latest 11.11.2026

Politiko 360 is a weekly political podcast from Dawan Media offering rigorous, accessible analysis of Somali politics, governance, and state formation for audiences in Somalia and the diaspora. The show combines legal and institutional expertise with frontline political experience, connecting current events to principles of governance. Episodes are delivered in both Somali and English, featuring two of Somalia’s respected public voices dissecting the political landscape with depth and candor.

Episodes

  • S1E7 Politiko 360 | Xaggee gogoshii wada-hadalka ku dambaysay? 11.11.2026 42m
    Mucaaradku weli jawaab kama bixin martiqaadka madaxweyne Xasan Sheekh ee gogosha nabadda 14-ka November. Isla mar ahaantaana jabhado hubaysan ayaa ka abaabulmay Koonfur Galbeed iyo Hiiraan, Turkiguna wuxuu wadaa dadaallo diblomaasiyadeed. Maxkamadda Sare waxay ku jirtaa khilaaf sharci oo cusub.Xalqaddan Politiko 360, Cali Xalane ayaa dadihinaya doodda waxaana kala qeyb ah :🎙️ Xuseen Cabdi Aadan – Tifaftiraha Arrimaha Doorashooyinka, Dawan Media🎙️ Maxamed Guure – Agaasimaha Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda SoomaaliyaWuxuu ka hadlayaa:▪️ Caleemo-saarka madaxweynayaasha Hirshabelle iyo Galmudug▪️ Xil ka qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo go'aanka garsoorayaasha▪️ Mawqifka Golaha Mustaqbalka, Nabad iyo Nolol iyo Midnimo Qaran▪️ Doorka Turkiga iyo dhex-dhexaadiyayaasha caalamiga▪️ Khatarta jabhadeynta iyo "parallel process"▪️ Maxaa dhacaya haddii shirku fashilmo?⏱️ CUTUBYADA00:00 Hordhac: dhacdooyinkii ugu waaweynaa toddobaadka01:10 Caleemo-saarka Hirshabelle & Galmudug, Maxkamadda Sare iyo safiirka Turkiga02:55 Gogosha nabadda ee madaxweynaha iyo mawqifka mucaaradka04:35 Farriimaha taliyayaasha amniga ee mucaaradka loo gudbiyay05:35 Mucaaradku ma aqbalayaan martiqaadka?09:58 Labada garab ee mucaaradka: parallel process iyo doorasho cadaalad ah12:59 Dhex-dhexaadinta Turkiga iyo afarta dal ee caalamiga ah16:35 Silsiladda wada-hadallada doorashada18:46 Cabsida jabhadeynta iyo shir ka dhaca meel ka baxsan Muqdisho22:08 Khatarta jabhadeynta cusub iyo baaqa Al-Ictisaam25:18 Farriinta saraakiisha amniga iyo su'aasha "Why now?"30:10 Doowladdu ma ku adkaysan doontaa guusha doorashooyinka?32:41 Jabhadaha Koonfur Galbeed iyo Beledweyne, iyo khatarta Galmudug36:11 Khilaafka Maxkamadda Sare39:09 Maxaa dhacaya haddii mucaaradku diido gogosha?43:48 Gunaanad📲 Ka dhegayso Politiko 360 YouTube, Apple Podcasts, Spotify iyo dhammaan barxadaha Dawan Media.🔔 Subscribe garee oo riix gambaleelka si aad u hesho xalqadaha cusub.#Politiko360 #DawanMedia #Somalia #Soomaaliya #XasanSheekh #Mucaaradka #DoorashadaSoomaaliya #Hirshabelle #Galmudug #Turkiga
  • S1E6 Politiko 360 | "Talada dhexda dhig iyo ma dhigayo" – doodda toddobaadkan. 21.10.2026 41m
    Toddobaadkan Politiko 360 waxaan ku falanqaynaynaa muranka doorashooyinka Soomaaliya: jadwalka doorashada ee guddiga, khudbadda Madaxweynaha ee ahayd "talo dhexda la soo dhigaayo ma jirto," iyo digniinaha mucaaradka ee ku saabsan doorasho barbar socota (parallel process) oo dalka u horseedi karta laba madaxweyne iyo laba baarlamaan.Barnaamijka waxaa wada Alinur Salad, waxaana la falanqaynaya:• Xuseen Cabdi Aadan – tifaftiraha arrimaha doorashooyinka, Dawan Media• Maxamed Guure – Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda SoomaaliyaTime Code:00:00 Hordhac iyo martida barnaamijka02:32 Toddobaadkan: jadwalka doorashada ee guddiga iyo khudbadda madaxweynaha04:49 Digniinaha mucaaradka: warqadda Farmaajo iyo isbahaysiyada kale06:03 "Talada dhexda la soo dhigo" – yaa ah saamilayda siyaasadeed?10:05 Laba nooc oo mucaarad: xisbiyo diiwaangashan iyo musharrixiin13:43 Jadwalka doorashada iyo muddooyinka sharciga: ma shaqayn doonaa?18:28 Nidaamka doorashada iyo xaaladda Jubbaland & Puntland23:14 Xulashooyinka mucaaradka iyo khatarta "parallel process"27:53 Ma suurtagal baa doorasho barbar socota? Musharrixiinta iyo kursiga35:05 Cabsida colaadda, rajada wadahadallada November iyo gabagaboKa qayb qaado doodda: maxaad u malaynaysaa, ma la gaari doonaa heshiis doorasho? Fikirkaaga ku qor faallooyinka.👍 Like garee, la wadaag, oo subscribe garee si aadan u seegin qaybaha soo socda.📍 Subscribe: @dawan_tv💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka🔔 Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya!🌐 https://www.dawan.so/🌐 https://www.dawan.africa🌐 https://www.bawaba.africa📱 Download Dawan App Today:https://onelink.to/5vv232#Politiko #Soomaaliya #DoorashadaSoomaaliya #Somalia #SomaliPolitics #Muqdisho #Siyaasad
  • S1 E5 | Politiko 360 :Ma dagaal ayaa ka dhici doona Generaal Daa’uud? 17.10.2026 51m
    Xiisad ayaa ka taagan waaxda Generaal Daa’uud ee degmada Wadajir, halkaas oo khilaafka u dhaxeeya Shariif iyo dowladda federaalka uu sii xoogeysanayo. Ma jirtaa suurtagalnimo ah in dagaal ka dhaco caasimadda? Maxuu salka ku haya khilaafkan, sidee buuse u saameyn karaa amniga Muqdisho iyo mustaqbalka dowladnimada?Barnaamijkan Politico 360, waxaan si qoto dheer ugu lafa-gurayaa bilowga khilaafka, xaaladda amni ee goobta uu Shariif dhagan yahay, hadallada mucaaradka iyo dowladda, khatarta hadallada xanafta leh, amniga xeendaabka Xalane, iyo halka ay marayaan wadahadallada mucaaradka iyo dowladda.Time Code00:00 Hordhac02:10 Intee ayuu ka bilowday Khilaafka Shariif iyo Dowladda?07:40 Goobta uu dhagan yahay Shariif sidee waaye amaankeeda, iyo saameynta ay Caasimadda ku yeelan karto?13:40 Khilaafka maxuu salka ku haayaa?17:05 Hadallada Mucaaradka iyo Dowladda, iyo wadahadaladii socday intee ayay maraayaan?28:40 Khatarta Hadaladda Xanafta leh, iyo nugaalka dowladnimada36:33 Ciidamada ilaaladda ah iyo amniga xeendaabka Xalane42:00 wadahadaladda Mucaaradka iyo dowladda, iyo Safiiradda cusub ee dalalka waawayn47:55 Gabagabo📌 Subscribe garee si aadan u seegin barnaamijyada Politico 360, nagula wadaag fikradaada qaybta faallooyinka: Ma u maleyneysaa in khilaafkan lagu xallin karo wadahadal?#Politico360 #Muqdisho #Wadajir #GeneraalDaauud #Soomaaliya #SiyaasaddaSoomaaliya
  • S1 E4 | Politiko 360 : Maxay qoreen Puntland, Golaha Mustaqbal iyo Farmaajo? 01.10.2026 41m
    Barnaamijka toddobaadlaha ah ee  Politiko 360 ayaa si qoto dheer uga hadlaya warqadaha ay Puntland, Golaha Mustaqbalka iyo madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u direen Qaramada Midoobay, xilli siyaasadda Soomaaliya ay mareyso marxalad xasaasi ah.Barnaamijku wuxuu si gaar ah u eegayaa nuxurka warqadaha, qodobada ay dhinacyadu ka dalbanayaan Qaramada Midoobay, doodda ku saabsan dual-track, xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, arrimaha doorashada, iyo doorka beesha caalamka ee siyaasadda Soomaaliya.Waxaa sidoo kale lagu falanqeynayaa doodda ka dhalatay xiriirka dhinacyada Soomaalida ay la sameynayaan hay’adaha iyo dowladaha shisheeye, iyo waxa arrimahaasi uga dhigan yihiin siyaasadda iyo dowladnimada Soomaaliya.Barnaamijka waxaa daadihinaya Alinur Salad , waxaana kala qeyb qaadanaya Hussein Abdi Adam, Tifaftiraha Arrimaha Doorashooyinka ee Dawan Media, iyo Mohamed Guure, Maamulaha Machadka Diblomaasiyadda Soomaaliya.Time Code:00:00 – Hordhac01:45 – Todobaadka Warqadaha: Mucaaradka, Puntland, Farmaajo iyo Qaramada Midoobay03:03: - Maxaa ku jiray warqadda Golaha Mustaqbalka07:38 – Maxaa ku jiray warqadda Puntland11:44 – Warqadda Farmaajo maxaa ku jiray? 15:35 – Maxay ku kala duwan yihiin warqadaha Puntland iyo Golaha Mustaqbalka?23:30 – Mucaaradka iyo dowlad-goboleedyadu intee u dacwoonayaan hadda kadib? 30:59 – Mustaqbalka wada-hadallada siyaasadeed ee Soomaaliya35:34 – Maxaa laga fahmi karaa warqadda Farmaajo ?Politiko 360 waa barnaamij siyaasadeed toddobaadle ah oo ay soo saarto Dawan Media, kaas oo lagu falanqeeyo siyaasadda Soomaaliya iyo dhacdooyinka ugu muhiimsan ee dalka.#Politiko360 #Somalia #Soomaaliya #Puntland #GolahaMustaqbalka #Farmaajo #SiyaasaddaSoomaaliya #QaramadaMidoobay #DawanMedia📍 Subscribe: /@dawan_tv💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka🔔 Nala soco si aad u hesho falanqaynta ugu muhiimsan ee siyaasadda Soomaaliya!https://www.dawan.so/https://www.dawan.africahttps://www.bawaba.africa
  • S1 E3 | Politiko 360 : Siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya: Maxaa Isbeddelay? 25.09.2026 36m
    Xalqadda 3aad ee Politico 360 ee Dawan Media ayaa lagu falanqeynayaa xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanka, magacaabista safiirka cusub ee Maraykanka ee Soomaaliya, iyo isbeddellada laga dareemayo siyaasadda Washington ee Soomaaliya.Doodda waxaa ka qeyb galay:Xuseen Cabdi Aadan – Tifaftiraha Arrimaha Doorashooyinka, Dawan MediaMaxamed Guure – Agaasimaha Machadka Daraasaadka Sare ee Diblomaasiyadda SoomaaliyaCali Xalane – Agaasimaha Tifaftirka, Dawan MediaBarnaamijku wuxuu sidoo kale diiradda saarayaa saameynta isbeddellada diblomaasiyadeed ee ku saabsan wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo mucaaradka, arrimaha amniga, AUSSOM, iyo muhiimadda marin-biyoodka Baab el-Mandeb.Daawo Xalqadda 3aad ee Politico 360.Politiko 360 waa barnaamij siyaasadeed toddobaadle ah oo ay soo saarto Dawan Media, kaas oo lagu falanqeeyo arrimaha siyaasadda Soomaaliya iyo dhacdooyinka ugu muhiimsan ee dalka.#Politico360 #DawanMedia #Somalia #USA #SomaliaPolitics #Diplomacy #USSomalia📍 Subscribe:    / @dawan_tv💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka🔔 Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya!https://www.dawan.so/https://www.dawan.africahttps://www.bawaba.africa
  • S1 E2 : Maxaa Hortaagan Doorashada Soomaaliya? | Dowladda iyo Mucaaradka oo Heshiis Raadis ah | Politiko 360 17.09.2026 39m
    Maxaa hortaagan heshiiska Dowladda Federaalka iyo mucaaradka? Maxay noqon kartaa jihada siyaasadda Soomaaliya, iyadoo doorashadu soo dhowaanayso?Barnaamijka toddobaadlaha ah ee Politiko 360 ayaa si qoto dheer uga hadlaya xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, heshiiska Dowladda iyo mucaaradka, isbarbaryaaca mucaaradka iyo saameynta uu dib-u-dhaca heshiisku ku yeelan karo doorashada iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.Barnaamijka waxaa daadihinaya Wada Alinur Salad, waxaana kala qeyb qaadanaya Ali Halane iyo Hussein Abdi Adam.Time Code00:00 — Hordhaca04:08 — Safarka Madaxweyne Xasan ee New York iyo saxiixa heshiiska mucaaradka10:34 — Muxuu noqon doonaa heshiiska mucaaradka iyo dowladda?20:28 — Isbarbaryaaca mucaaradka25:00 — Fursadda mucaaradka35:51 — Saameynta dib-u-dhaca heshiiska dowladda iyo mucaaradkaPolitiko 360 waa barnaamij siyaasadeed toddobaadle ah oo ay soo saarto Dawan Media, kaas oo lagu falanqeeyo arrimaha siyaasadda Soomaaliya iyo dhacdooyinka ugu muhiimsan ee dalka.#Politiko360 #Somalia #Soomaaliya #Doorashada #SiyaasaddaSoomaaliya #Dowladda #Mucaaradka #DawanMedia📍 Subscribe:    / @dawan_tv💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka🔔 Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya!https://www.dawan.so/https://www.dawan.africahttps://www.bawaba.africa
  • S1 E1: Muxuu Yahay Guddiga Shaqo(Task Force) ee Doorashada? Shaqadiisa iyo Sharciyaddiisa! 05.09.2026 36m
    Xalqada 1aad ee Podcast-ga Politiko 360 ee Dawań Media waxaa lagu falanqeeyay Guddiga Shaqo (Task Force) ee ay ku heshiiyeen dhismahiisa dhinacyada isku haya Doorashada Soomaaliya. Doodda waxaa ka qeyb galay Tifaftiraha Arrimaha Doorashooyinka ee Dawań Xuseen Cabdi Aadan, Agaasimaha Machadka Daraasaadka sare ee Dublamaaisayadda Soomaaliya Maxamed Guure imo Agaasimaha Tifaftirka Dawań Media Cali Xalane.