Madari Podcast
Abdiaziz Madari
0
Madari Podcast waa barnaamij wada-hadal af-Soomaali ah oo martiyaal kala duwan lagu martiqaado. Martida waxay la wadaagaan aqoontooda, waayo-aragnimadooda iyo aragtidooda arrimaha bulshada. Bandhiga waxaa lagu wadaagaa fikrado iyo casharro laga bartay nolosha.
Episodes
-
MARKA ARAGGU DACIIFO || MADARI PODCAST || 24.10.2026 52mSidee ayaynu u daryeeli karnaa caafimaadka indhaheenna? Episode Madari Podcast, Dr. Shiine waxaynu kaga wada hadlaynaa xaaladda caafimaadka indhaha, caqabadaha bulshada haysta iyo saamaynta isticmaalka moobilka iyo shaashadaha, gaar ahaan habeenkii iyo waqtiyada saamalaylka. Waxaynu sidoo kale taabanaynaa daryeelka indhaha, isbeddellada mustaqbalka laga filayo dhinaca aragga iyo waayo-aragnimooyin uu Dr. Shiine kala kulmay shaqadiisa iyo u adeegidda bulshada. Support the show -
DEEQDA IYO WAX-ISASIINTA SOMALIDA || MADARI PODCAST || 24.10.2026 1h 27mSidee ayay Soomaalidu isu kaalmayn jirtay? Episode Madari Podcast, Maxamed Cali Muxumed waxaynu kaga wada hadlaynaa wax-isa-siinta Soomaalida, magacyadeeda iyo kaalintii ay ku lahayd xidhiidhka qoyska, qaraabada, deriska iyo bulshada. Waxaynu eegaynaa dhaqammo ay ka mid yihiin xuddun-xidh, yabadh, dhibaad, yarad, gabbaati, kaalo, maalsiin, qaadhaan iyo marti-soor; sababihii loo samayn jiray iyo macnaha bulsheed ee ka dambeeyay. Waxa kale oo aynu isweydiinaynaa waxa maanta ka sii jira hiddahaa... -
MAAL-GASHO MUSTAQBALKAAGA || MADARI PODCAST || 24.10.2026 1h 28mMaxay ka dhigan tahay inaad naftaada maalgeliso? Qaybtan Madari Podcast, Prof. Mubaarak Aar waxaynu kaga wada hadlaynaa barashada aqoonta iyo xirfadaha, ilaalinta waqtiga, kobcinta fikirka iyo saamaynta dadka iyo deegaanka aynu ku dhex nool nahay. Waxaynu sidoo kale taabanaynaa caqabadaha dhallinyarada hortaagan iyo sida tallaabooyinka yaryar ee maanta la qaadaa uga qayb qaadan karaan dhismaha mustaqbalka. Qodobbada qaybta: 00:00 — Hordhac 05:01 — Sidee nafta loo maalgeliyaa? 10:51 — Maalgeli... -
SIDEE AYAYNU HAMIGEENNA U RUMAYN KARNAA? || MADARI PODCAT || 24.10.2026 1h 56mSidee ayaynu hamigeenna ugu beddeli karnaa waxqabad joogto ah? Qaybtan Madari Podcast, Ali Jama waxaynu kaga wada hadlaynaa farqiga u dhexeeya aqoonta iyo ficilka, go’aan qaadashada, cabsida fashilka iyo sababaha aynu u joojinno hawlaha marka xiisuhu yaraado. Waxa kale oo aynu taabanaynaa waayo-aragnimadiisa, masuuliyadda nafta, maaraynta waqtiga iyo joogtaynta tallaabooyinka yaryar. Qodobbada Episode 04:09 — Waayo-aragnimada qurbaha 08:40 — Buugga Furayaasha Nolosha 13:28 — Ayeeyday ayaa i s... -
QUR’AANKA IYO NOLOSHA CASRIGA AH || MADARI PODCAST || 24.10.2026 1h 2mSheekh Cabdirashiid ayaa ka warramaya barashadiisii Qur’aanka, kaalintii waalidkii iyo qoyskiisa, iyo caqabadihii uu soo maray. Waxaan sidoo kale ka wada hadlaynaa tarbiyada Qur’aanka, farriintiisa dhallinyarada, iyo kaalinta akhriskiisa iyo xuska Ilaahay ku leeyihiin degganaanta nafta iyo la tacaalidda walbahaarka. Qodobbada Episode: 01:18 — Sheekh Cabdirashiid sidee ayuu Qur’aanka ku bartay? 06:40 — Barashada Qur’aanka waagii hore 21:32 — Aayadaha sida gaarka ah u saameeya sheekha 26:11 — S...
Popular in
The podcast also appears in the podcast charts of these countries.