Dowlad-Dhis Podcast

Dowlad-Dhis Podcast

Heritage Institute for Policy Studies
Country Somalia
Language EN
Episodes 5
Latest 17.11.2026

Dowlad-Dhis Podcast explores how current issues affect state-building in Somalia, connecting everyday challenges and opportunities to the broader goal of effective governance and institutions. The program provides in-depth analyses of significant problems impacting governance and institution-building. It also highlights actionable strategies for enhancing peacebuilding, public service delivery, and social cohesion.

Episodes

  • Dowlad-dhis Podcast | Xalqadda 8-aad: Maxay Xubinnimada Bulshada Bariga Afrika (EAC) uga Dhigan Tahay Soomaaliya?
    Dowlad-dhis Podcast | Xalqadda 8-aad: Maxay Xubinnimada Bulshada Bariga Afrika (EAC) uga Dhigan Tahay Soomaaliya? 17.11.2026 46m
    🎙️ Barnaamijka Dowlad-dhis | Xalqadda 8-aad Machadka Heritage ee Daraasaadka iyo Cilmi-baarista Siyaasadda (HIPS) Soomaaliya waxay ku biirtay Beesha Bariga Afrika (EAC) bishii Maarso 2024. Xalqaddan waxa aynu ku eegaynaa waxa xubinnimadaasi dhab ahaan uga dhigan tahay dalka. Martida xalqaddan waa Mudane Faysal Rooble, xildhibaan Soomaaliyeed oo ka tirsan Baarlamaanka Bariga Afrika (EALA). Waxa barnaamijka daadihinaya Dr. Cabdirashiid Ismaaciil, Agaasime-ku-xigeenka HIPS ee Cilmi-baarista iyo Hal-abuurka. Rooble waxa uu sharraxayaa sababaha ay dalalku u samaystaan isbahaysiyo goboleed, isaga oo...
  • Dowlad-dhis Podcast | Xalqadda 7-aad: Doorka Waxbarashada ee Dowlad-dhiska
    Dowlad-dhis Podcast | Xalqadda 7-aad: Doorka Waxbarashada ee Dowlad-dhiska 04.11.2026 1h 2m
    Waxbarashadu waa tiir muhiim u ah dowlad-dhiska, horumarinta bulshada iyo dhismaha muwaadin leh aqoon, karti iyo masuuliyad. Haddaba, sidee ayay waxbarashadu uga qayb qaadan kartaa dowlad-dhis waara? Xalqadda 7-aad ee Dowlad-dhis Podcast waxay diiradda saaraysaa doorka waxbarashada ee dowlad-dhiska Soomaaliya. Waxaa marti ku ah Dr. Saciima Cabdullaahi, Guddoomiyaha Golaha Sare ee Machadka IRAD. Dooddu waxay ku bilaabanaysaa dulmar ku saabsan xaaladda guud ee nidaamka waxbarashada dalka, caqabadaha jira iyo horumarrada la sameeyey. Sidoo kale, waxaa si gaar ah loo falanqaynayaa helitaanka waxba...
  • Wadahadal Qaran & Dowlad-dhiska Soomaaliya | Dr. Afyare Cabdi Cilmi | Xalqadda 6-aad
    Wadahadal Qaran & Dowlad-dhiska Soomaaliya | Dr. Afyare Cabdi Cilmi | Xalqadda 6-aad 23.08.2026 55m
    Xalqadadii 6-aad ee Dowlad-dhis Podcast waxaa Marti ku ah Dr. Afyare Cabdi Cilmi oo ah Barre Sarre oo ka tirsan Jaamacadda City university of Mogadishu ahna la taliye Sarre Machadka Heritage, Xalqadaan waxaa diirada lagu saarayaa Wadahadal Qaran & Xiriirka la leeyahay Dowlad-dhiska, ugu horeyn wuxuu sharaxaad ka bixinayaa mowduuca asagoo Ditoorka ku lifaaqayo Daraasad uu dhawaan Machadka & FBA wada sameeyeen. Waxaa lagu iftiimiyey noocyada wadahadalada ayadoo lagu tusaale bixinaayo sida Dowlad-dhiska Somaaliya u qabeeyeen si gaar ah Shirweynihii Nabadeynta ee Carta. Sidoo kale Xalqadaan waxaa...
  • Xiriirka ka dhaxeeyo Dowlad-Dhiska & Amniga Qaranka | Dowlad-dhis Podcast #5
    Xiriirka ka dhaxeeyo Dowlad-Dhiska & Amniga Qaranka | Dowlad-dhis Podcast #5 06.08.2026 1h 24m
    Xalqadii 5-aad ee Dowlad-dhis Podcast waxey ku saabsan tahay xiriirka ka dhaxeeyo dowlad-dhiska iyo Amniga Qaranka Waxaa Marti ku ah Xuseen Sheekh Cali oo ah Gudoomiyaha Machadka Saldhig, isla Markaana labo jeer soo noqday lataliyaha Amniga Qaranka. ugu horeyn Wuxuu Sharaxaad ka bixin dona Mowduuca, Xaladihii uu soo maray dalka ee burburkii dowlada & dib usoo yagleelidii Jamhuuriyada Seddexaad, Caqabadaha heysto dowlad dhiska Somaaliya & khataraha Amniga. Sidoo kale Xalqadaan waxaa lagu Iftiimin donaa Aragtida Hogaanka dalka ka heystaan Habka la isku heleysiinaayo dowladnimada & Amniga Qaranka...
  • Xalqadda 4-aad |  Isbeddelka Cimilada & Saameynta ay ku leedahay Soomaaliya
    Xalqadda 4-aad | Isbeddelka Cimilada & Saameynta ay ku leedahay Soomaaliya 17.06.2026 1h 35m
    Podcastiga Dawlad-dhis – Xalqada 5aad Xalqada shanaad ee Dawlad-dhis waxay diiradda saareysaa mid ka mid ah caqabadaha ee waaweyn ee xiligan: Isbedelka cimilada iyo saamaynta ay ku leedahay Soomaaliya. 🎤 Marti: Dr. Abdullahi Khalif, Fududeeyaha Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimiladda 🎤 Marti: Mr. Liban Obsiye, Agaasiamah Guud, Sanduuqa Qaran ee Cimilada, JFS Dooddu waxay iftiimineysaa sidii si cilmi ah loogu fahmi lahaa isbedelka cimilada, heerka baraaruga mujtamaca Soomaaliga ee isbedelka cimilada, iyo xaqiiqooyinka ku gadaaman heerka la qabsi ee bulshada reer guuraaga ah ee...
  • Xalqadda 2-aad | Sidee Loo Hormarin Karaa Nidaamka Caafimaadka Soomaaliya?
    Xalqadda 2-aad | Sidee Loo Hormarin Karaa Nidaamka Caafimaadka Soomaaliya? 05.03.2026 55m
    Xalqadda 2-aad ee podcast-ka Dowlad-dhis ayaa Agaasime Ku-xigeenka Machadka Heritage, Dr. Cabbdirashid Ismaaciil, ku waraysanaaya Prof. Maye Cumar oo ka tirsan Jaamacadda Leeds, isla markaana leh in ka badan 40 sano oo waayo-aragnimo ah dhanka nidaamyada caafimaadka iyo maamulka caafimaadka dadweynaha. Prof. Maye wuxuu si qoto dheer u falanqeeyey warbixintii ugu dambeysay ee Machadka Heritage uu daabacay, taas oo cinwaankeedu ahaa “Adkaynta Hannaanka Caafimaadka Soomaaliya”, isla markaana uu isagu hoggaamiyey. Sidoo kale, Prof. Maye Cumar wuxuu wareysigan kaga hadlay waayo-aragnimadiisa ballaa...
  • Xalqadda 3-aad | Xoojinta Ka Qaybgalka Siyaasadeed ee Dhallinyarada Muqdisho
    Xalqadda 3-aad | Xoojinta Ka Qaybgalka Siyaasadeed ee Dhallinyarada Muqdisho 05.03.2026 39m
    Taxanaha saddexaad waxaa lagu falanqaynayaa kaalinta dhallinyarada Muqdisho ee ka qaybgalka siyaasadeed iyo siyaabaha lagu xoojin karo doorkooda. Barnaamijkani wuxuu daba socdaa daraasad hore oo laga sameeyay mowduucaan, iyo sidoo kale tababar loo qabtay in ka badan 60 dhallinyaro ah, kuwaas oo lagu baray hoggaaminta, abaabulka bulshada, iyo u ololeynta arrimaha dadweynaha.
  • Xalqadda 1-aad | Dowlad-dhis Podcast RW Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre
    Xalqadda 1-aad | Dowlad-dhis Podcast RW Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre 04.03.2026 49m
    Kusoo dhawaada Dowlad-dhis Podcast uu Xalqadiisa kowaad uu noo daah-furay Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyada federaalka Somaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre. wareysiga oo ku bilaabmay dib u milicsiga seddex sano guraada Xukuumada qorshayaashii ay la timid waxyaabaha ka qabsoomay & arrimaha ku fashilntay : sida Amniga, Arrimaha federaalka,dhaqaalaha, dowlad wanaaga, Siyaasada arrimaha dibada. Mudane Xamse ayaa miiska soo saaray aragtida Xukuumada ee la xariirto dhameystirka dastuurka, qabsoomida doorasho qof & Cod ah & hormada laga sameeyey dib u xoreynta dalka, Khilaafka dowlad dhexe Punt...