EACON Podcast

EACON Podcast

SIMAD Podcast
Country Somalia
Genres Government
Language SO
Episodes 3
Latest 12.11.2026

EACON Podcast waa madal Somali ah oo lagu falanqeynayo fursadaha bulshada Bariga Afrika. Waxay ka hadlaysaa sida bulsho ahaan looga faa’iideysan karo suuqa ballaaran ee Bariga Afrika. Podcast-kan waxaa soo bandhigaya SIMAD Podcast, wuxuuna la xiriira shirweynaha EACON2025 ee dalkeennu martigelinayo sanadkan. Waa calaamad sii wadidda iskaashiga iyo horumarinta bulshada Bariga Afrika.

Episodes

  • SIMAD Podcast | Shidaalka Soomaaliya: Sahaminta, Turkiga iyo Mustaqbalka | Graduate Dialogue #1
    SIMAD Podcast | Shidaalka Soomaaliya: Sahaminta, Turkiga iyo Mustaqbalka | Graduate Dialogue #1 12.11.2026 1h 18m
    Shidaalka Soomaaliya: Halkee ayay sahamintu maraysaa, maxaase xiga?Graduate Dialogue #1 | SIMAD PodcastXalqaddan koowaad ee Graduate Dialogue, waxaan ku martigelinnay Mudane Carabey Xaashi Cabdi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, si aan uga wada hadalno taariikhda sahaminta shidaalka Soomaaliya, horumarka waaxda batroolka, iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga, iyo mustaqbalka khayraadka dalka.Daawo xalqadda oo dhammaystiran, kana bogo xogta iyo aragtiyaha ku saabsan halka ay marayso sahaminta shidaalka Soomaaliya iyo waxa laga filan...
  • EAC Podcast | Xalqadda 3aad: Ganacsiga Soomaaliya, Isdhexgalka EAC & Fursadaha Suuqyada Gobolka
    EAC Podcast | Xalqadda 3aad: Ganacsiga Soomaaliya, Isdhexgalka EAC & Fursadaha Suuqyada Gobolka 27.10.2026 57m
    EAC Podcast | Xalqadda 3aadXalqaddan saddexaad ee EAC Podcast, waxaan ku martigelinnay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, si aan uga wada hadalno isbeddellada ganacsiga dalka, horumarka isdhexgalka dhaqaale ee Bulshada Bariga Afrika (EAC), iyo fursadaha cusub ee u furmaya ganacsatada Soomaaliyeed.Wadahadalka ayaa diiradda lagu saaray doorka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, horumarinta waxsoosaarka gudaha, nidaamyada soo dejinta iyo dhoofinta, hirgelinta Midowga Kastamyada iyo Suuqa Wadajirka ah ee EAC, iyo ka faa'iidaysiga Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaara...
  • Heerka ay Somalia ka mareyso la-falgalka bulshada bariga afrik ee Midowga Kastamyada (Customs Union)
    Heerka ay Somalia ka mareyso la-falgalka bulshada bariga afrik ee Midowga Kastamyada (Customs Union) 17.09.2026 1h 11m
    𝐗𝐚𝐥𝐪𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟐𝐚𝐚𝐝 – 𝐄𝐀𝐂 𝐏𝐨𝐝𝐜𝐚𝐬𝐭 Xalqaddan waxay diiradda saareysaa safarka Soomaaliya ee ku biirista Bulshada Bariga Afrika, gaar ahaan waxa uu yahay Midowga Kastamyada (Customs Union) iyo sida uu u saameyn karo ganacsiga dalka. Waxaan ku falanqeyneynaa halka ay Soomaaliya ka mareyso hirgelinta heshiisyada EAC, iswaafajinta sharciyada kastamyada, fursadaha u furmaya ganacsatada, iyo caqabadaha ka hor imaan kara isdhexgalka dhaqaale ee gobolka.Xalqaddan waxaa marti inoogu ah Mohamed Isak Fatir, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah, ahna u-qaabilsanaha Arrimaha Bu...
  • Heerka ay Somalia ka mareyso la-falgalka bulshada bariga afrika,canshuuraha, fursadaha iyo caqabadaha hor yaalla
    Heerka ay Somalia ka mareyso la-falgalka bulshada bariga afrika,canshuuraha, fursadaha iyo caqabadaha hor yaalla 24.02.2026 1h 11m
    Xalqaddan waxaa marti inoogu ah Maxamed Isxaaq, Agaasimaha Guud ee Wasaradda Arrimaha Dibada iyo iskaashiga Calamiga ah, ahna u-qaabilsanaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika.Waxaan ku falanqeyn doonnaa Heerka ay Somalia ka mareyso la-falgalka bulshada bariga afrika,canshuuraha, fursadaha iyo caqabadaha hor yaalla, iyo qodobo kale oo muhiim u ah la falgalka bulshada bariga afrika.
  • EAC Podcast | Xalqadda 1aad – Soomaaliya iyo Ku Biirista Bulshada Bariga Afrika (EAC)
    EAC Podcast | Xalqadda 1aad – Soomaaliya iyo Ku Biirista Bulshada Bariga Afrika (EAC) 19.01.2026 48m
    EAC Podcast, waa madal lagu falanqeyn doono fursadaha Bulshada Bariga Afrika ee aan dhowaan ku biirnay iyo sida aan bulsho ahaan uga faa’iideysan karno suuqa ballaaran ee Bariga Afrika.